Xog ku saabsan waxyaabihii ay wafdiga dowladda kusoo arkeyn Jowhar iyo mustaqbalka Cosoble

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan wafdi heer sare ah u dirtay Magaalada Jowhar si xog badan looga soo ogaado khilaafka hareeyey maamulka Hirshabelle iyo cidda ku taagan wadada sharciga ah.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa kulamo kala duwan la qaatay Labada garab ee khilaafka ka dhaxeeyo.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online wafdigii dowladda Soomaaliya u dirtay Jowhar ayaa ogaaday in Cosoble si sharci ah loo riday isla markaasna ay kaliya taageersan yihiin ilaa 4 Xildhibaan oo laba kamid ah ay yihiin Wasiiro.

Sidoo kale Wafdigaan ayaa soo arkay inay Cosoble mucaaradsan yihiin inta badan Xildhibaanada Hirshabelle, xil ka qaadistii lagu sameeyeyna ay tahay mid sharci ah loona baahan yahay inuu Cosoble u hoggaansamo.

Mustaqbalka Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cosoble ayaa mugdi soo galay, maadaama wafdigii ay dowladda dirtay ay soo ogaadeen xaqiiqda rasmiga ah ee ka jirto Magaalada Jowhar iyo cidda aqlabiyada heysato.

Wafdigii ay dowladda u dirtay Jowhar ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxayna maanta kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sareyso dowladda si looga wada hadlo qaabka loo wajahayo arrintasan iyo go’aanka laga qaadan doono.

Waxaa la filayaa inay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo go’aankeeda kama dambeysta ah ee ku aadan arrintaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.