Xog: Kulamo is-diidan oo Villa Somalia ka socda iyo Faarax oo qorshe dejiyey

Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, waxaa xalau illaa saaka laga dareemayaa Shirar iska soo horjeeda oo ay leeyihiin Siyaasiyiinta jaalka la ah Madaxweynaha iyo kuwa Ra’iisul Wasaaraha la ah Xulafadda.

Intaynaan u daadegin nuxurka shirarkaasi, bal aynu guudmar ku samayno Qoraalkii ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu gaashaanka ku dhuftay Isku-shaandheynta uu Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin Isku-shaandheyntaasi, wuxuuna Madaxwynuhu tilmaamay isagoo eegaya Waqtiga Xasaasiga ee lagu jiro, ilaalinayana Habraaca Dowliga, Qawaaniinta iyo Shuruucda dalka u degsan inuu go’aamiyey qoddobadda soo socda:-

1 – Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014.

2 – In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, saamaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014.

3 – In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda.

4 – In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.

Kadib, markii uu Madaxweynuhu soo saaray Qoraalka uu ku laalay Isku-shaandheyntaasi waxaa dhaqdhaqaaqyo dheeri ah laga dareemayaa Xarunta Villa Somalia.

Ugu yaraan saddex Kulan oo kala gaar ah ayaana ka socda Villa Somalia, iyadoo uu Madaxweynaha xafiiskiisa kulan albaabadda u xiran yahay kula lee yahay Siyaasiyiinta jaalka la ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarahaiyo Xulafadiisa ayaa Kulan Khaas ku leh Xafiiskiisa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha la sheegay inuu isla xalay ka guuray Dhismihii Villa Uganda ee uu ka degganaa Xarunta Villa Somalia sababo aan la shaacinin.

Wasiirkii Caddaaladda iyo Dastuurka ee Isku-shandheyntii ku waayey xilkiisa, Faarax Sheekh C/qaadir, loona magacaabay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa isagana Kulan Gaar ah la leh Siyaasiyiinta ay Ehelka iyo jaalka yihiin, oo ay ka mid yihiin Fahad Yaasiin, oo ahaan jirey Weriye u shaqeeya Telefishinka Aljazeera, isla markaana sida la sheego Dowladda Qatar ka soo qaaday Lacagihii ay Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsadeen Tartankii Doorashadda Madaxtinimadda ee uu Madaxweynuhu ku guuleystay sannadkii 2012-kii.

Waxaa kaloo Shirka ka socda guriga Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ka qeyb galayo C/raxmaan Dheere oo isaga Wasiir-ku-xigeenkii Gaashaandhigga ka ahaa Dowladdii Ra’isul-wasaare Cabdi Farah Shirdoon “Saacid”.

Xog ay Caasimada Online heshay ayaa waxay sheegayaan inuu Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir ku goodiyey inay muddo kooban xilka kaga qaadi doonaan Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Ma cadda halka uu ka keenayo Awoodda uu sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha xilka uga qaadayaan.

Waxaa kaloo socda dadaalo lagu kala jiidanayo Wasiiradda Xukuumadda Federalka, iyadoo Wasiir Faarax C/qaadir oo ah Gacanta Midig ee Madaxweynaha uu ku hawlan yahay sidii uu Wasiiro badan ugu qancin lahaa inay is-casilaan.

Wuxuuna ku qancinayaa Wasiiradaasi in la siin doono hanti iyo inay dib xilalkooda u helayaan haddii ay Ra’iisul Wasaaraha xilka ka tuuraan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaarahaayaa waxa uu Kulamo la leeyahay Beelaha ay ka soo jeedaan Wasiiradda uu ka shakisan yahay si ay u keenaan xubnaha uu ku beddeli lahaa haddii ay iscasilaan Wasiiradda uu ka shakisan yahay.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Madaxweyne Xasan Sheekh isku dhacaan Ra’isul-wasaare, waxayna horey isku khilaafeen Ra’isul-wasaarihii hore, Cabdi Farah Shirdoon “Saacid”.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahaayaa ka duwan khilaafyaddii hore u soo maray dalkeenna, maadaama uu Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed taageero dhamaystiran ka haysto Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com