Xog: Madaxweynaha ERITREA oo kashifay danta laga leeyahay burburka Somalia iyo cida wadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ereteria Isais Afewerki oo laga wareysanaayay marxalada ay ku jirto Somalia ayaa si waafi ah uga hadlay isaga oona wareysigiisa kusoo bandhigay arrimo badan oo ka qarsoonaa Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Isais Afewerki ayaa sheegay in arrinta ka taagan Somalia ay tahay mid soo jireen ah, waxa uuna sheegay in wakhtiga hada lagu jiro xasilooni darida Somalia ay iska kaashanayaan Dowlada Mareykanka iyo Ethiopia oo uu sheegay inay u midooben sida Somalia looga masixi lahaa Caalamka.

Isais Afewerki waxa uu sheegay inay xiriir la leeyhiin Soomaalida oo idil, waxa uuna dhinac isaga weeciyay in xiriirka uu yahay mid xun, balse waxa uu sheegay in xiriirkooda uu yahay mid khuseeya dhanka wanaaga.

Wuxuu sheegay in Kooxaha wada difaaca dalkooda ay taageeri doonaan, waxa uuna taageeradaasi ku sifeeyay mid maskax iyo dhaqaalaba leh si buu yiri looga gaashaanto faragalinta caalamiga iyo kuwa la shaqeeynaya misna burburka Somalia loo adeegsanaayo.

Isais Afewerki waxa uu wareysigiisa ku carab dhabay in Somalia ay u baahan tahay Xasilooni, Amaan, Kala danbeyn, Xorinimo iyo inay ku noolaadan sharaftooda waxa uuna sheegay si taasi ay u dhacdaa waa in Dowladiisu ay taageertaa Somalia.

”Waan inaan taageerno sida ay Somalia ku heli laheyd xasilooni iyo kala danbeyn, si taasi loo gaaraa waxaan ku qasbanahay inaan muujino taageero si gumeystaha meesha looga saaro”

Isais Afewerki ayaa soo hadal qaaday wararka sheegaya in Dowlada Ereteria ay taageerto Kooxaha xagjirka ah waxa uuna cod dheer ku sheegay in haddii ay taageeran Kooxahaasi aysan qalad u arag, waxa uuna carab dhabay in Soomaalidu dhamaan yihiin Muslimiin islamarkaana aysan jirin cid u tilmaameyso islaamka ama helida xoriyadooda ka maqan.

”Waxaan qabaa inuusan jirin Somalia xagjir ah. waayo dadka waxaa xagjir ka dhiga cadaadis la saaro dadka ama la duudsado xoriyadooda, carruurtooda la laayo, dumarkoodana la dilo”

Mar wax laga weydiiyay in Dowladiisu taageerto Ururada Xagjirka ah waxa uu ku jawaabay ”Waan jeclaan lahaa inaan taageero Kooxaha difaaca dalkooda. suuragal nooma aha inaan taageerno ama aan siino qalab ay isaga celshaan gumeystaha” ayuu yiri Isais Afewerki.

Mar wax laga weydiinaayay galitaan Ethiopia ee Somalia waxa uuna sheegay in Ujeedka uu ahaa in Somalia la kala qeybiyo loona kala jarjaro qeybqeyb balse markii hore aysan u suuragalin Ethiopia inay ku nasato Somalia culeys kasoo food saaray dhanka shacabka aawgii.

Ujeedka galitaanka ayuu sheegay inuu ahaa in Somalia loo kala jaro sida ”Puntland, Somaliland, Banaadir-land, Baydhabo-land, Hiiraan-land iyo Gobolo kale”

Isais Afewerki waxa uu sheegay in 2 sano ay Itoobiyaanka joogen Somalia ay ka heleen cashir fiican oo u suuragalin waayay in kali ay maamuli waayen misna qabsan waayan Muqdisho.

Isais Afewerki waxa uu tilmaamay in xalinta xaalada Gobolka ay ku jirto in marka hore la xaliyo xaalada Somalia, haddii taasi la waayana uusan hagaagi doonin Gobolka.

Mar uu ka hadlaayay Dowlada ka jirta Somalia ayaa waxa uu yiri ”Waxaa la leeyahay Dowlad cusub ayaa timid, maxay tahay Dowlada la dheeshayo waa mid ka dhextaliso Villa Somalia oo ay ilaalo ka hayaan ciidamo laga soo kala xulay midowga Africa, taasi maaha Dowlad” ayuu yiri.

Taasi ayuu sheegay inay ugu wacan tahay faragalinta Shisheeye waxa uuna sheegay in Somalia ay kasoo jeedan Beelo badan oo Hub iyo lacag ka hela gumeystaha.

Haddalka Isais Afewerki ayaa imaanaya xili Dowlada Ethiopia ay halis ku tahay jiritaanka Somalia, islamarkaana Gobol waliba ay dhoobeyso ciidamo iyada u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com