Xog: Maxaa ka jira in garoonka Xamar lacag baad ah lagu qaato?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan howlwadeenada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay sii kordhayaan lacagaha baada ah ee laga qaado dadka Safarka ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadka Safarka ah laga qaado lacago sharci daro ah oo ay fududeynayaan howlwadeenada ka howlgala qeybta safarada Africa iyo Aasia.

Howlwadeenadani oo si gaara uga macaasha dadka baxaaya Safarada koowaad, ayaa waxaa la xaqiijinayaa in xujo uga dhigaan inaysan baxeynin haddii aysan bixin lacago cadadkeeda lagu sheegay ilaa 30$.

Waxaa la xaqiijiyay inay ugu hanjabaan inay ka reebayaan duulimaadyada isla markaana laga qaadi doono dhammaan Dukumiintiyada Safarka, iyadoo loo sameynaayo sababo macquul ah.

Mid kamid ah musaafuriinta lagu xujeeyay dhaqaalahaasi oo lagu magacaabo Xusein Maxamed ayaa sheegay in Garoonka Aadan Cadde uu ka dhoofay muddo laba jeer ah, isla markaana laga qaaday lacago baad ah oo uu ku sheegay 20$ iyo 30$ oo aan sharci aheyn.

”Waxaa leyga qaaday boorsada waxaa la ii geeyay mid kamid ah howlwadeenada Garoonka waxa uu i weydiiyay lacago dhan 50$ oo leyguugu fududeynaayo howsha Safarka markii aan ka dhaga adeegay ayuu igu wareejiyay labo dhalinyaro waxaa leygu xiray qol”

”Waxaa la ii imaaday muddo 10 daqiiqo kadib waxaa leygu yiri imisa ayaad awoodaa waxaan ku dhahay lacag dheeri ah mawato maadaama Safarkeyga uu yahay mid ku wajahan Ugandha waxaa leyguugu hanjabay in leyga reebayo diyaarada, anigoo ka walwalsan sida ay wax u socdaan ayaan ku iri waxaan bixinaa lacag dhan 20$ kabadana ma heysto”

”Waxaa leyga qaaday lacagtii waxaana dib leyguugu celshay hoolka Safar sugayaasha”

Waxa uu sheegay in lacagahaasi ay yihiin kuwo aysan ka warqabin dowlada balse si hoose looga qaado dadka Safarka ah, waxa uuna intaa raaciyay in qof waliba oo shacab ah laga qaado lacago sharci daro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay jiraan dhalinyaro ka howlgala Hoolalka Safarka oo ka dhex shaqeeya dhinacyada ka macaasha dhaqaalaha sharci darada iyo dadka Safarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali dalka ka jira Musuq-maasuq hoose oo aysan kawarqabin Madaxda ugu sareysa dalka, waxa ayna talaabooyinkaasi shaki iyo walaacba galineysaa shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com