Xog: Maxaa ka jira in Kheyre uu ka dambeeyo ceyrinta Cali Cabdullaahi Cosoble?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maamulka Hirshabelle Cosoble ayaa dhawaan ka dhawaajiyey inuu xil ka qaadistaas ka dambeeyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Cali C/laahi Cosoble, ayaa sheegay inay iska cadahaya qaabka looga qaaday xilka isla markaana uu la socdo in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu riditaankiisa ku bixiyay dhaqaale xoogan, sida uu hadalka u dhigay.

Cali C/laahi Cosoble ayaa Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyay in uu ka dambeeyo mooshinkii xilka looga tuuray, waxa uuna tilmaamay inuu kaga faa’iideystay tashwiish kala dhexeeyay.

Cosoble ayaa si gaar ah Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ugu eedeeyay in uu burburinayo Maamulka Hirshabeelle, balse uu isaga uun meesha ka bixi doono.

Haddaba Caasimadda Online oo baaritaan kusoo sameysay arrintaan ayaa ogaatay inuu saxan yahay hadalkii kasoo yeeray Cosoble ee ahaa inuu Kheyre ka shaqeeyey ololaha xilka looga qaaday.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu Kheyre ka dambeeyo arrintaan uuna doonayo in booskaas uu kusoo baxo shaqsi ku shaqeeyo rabitaanka Xukuumadiisa.

Dadka siyaasadda falanqeeyo ayaa sheegayo inuu markii hore xiriir xun ka dhaxeeyey labada Mas’uul midaasna ay keentay inuu Kheyre ku fakaro sidii booskaas looga saari lahaa Cosoble loona keeni lahaa shaqi ay isku fikir Yihiin, maadaama maamul Goboleedkaan uu aad ugu dhow yahay Caasimadda Soomaaliya.