Xog: Maxaa kusoo kordhay xildhibaanadii mooshinka ka waday xukuumada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xildhibaanadii dhawaanahaan sida weyn kaga soo horjeeday liiska golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ee uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha dalka.

Warar Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in inta badan xal buuxa laga gaaray tabashooyinkii ay qabeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo badankood kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa diidanaa qaarkood xilalka la siiyay wasiirada kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, halka qaarkoodna ay iyaga doonayeen iney wasiiro noqdaan balse ay waayeen.

Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa doorweyn ku lahaa xal ka gaarista tabashooyinka ay qabaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, sida aan wararka ku heleyno.

Shirar kala duwan oo lala yeeshay xildhibaanada ugu dhaqdhaqaaqa badan dhanka mooshinka ayaa la sheegayaa inay kasoo baxeen warar ku saabsan in xal laga gaaray mooshinka xildhibaanada ay diyaarinayaan.

Waxaana la filayaa inay badankood isaga aamusaan arimaha golaha wasiirada maadaama qaarkood xilal kale loo badan qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com