Xog: Maxaa laga filan karaa kulanka xildhibaanada ee maanta looga doodayo arrinta Qalbi-dhagax?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa saaka xarunta baarlamaanka Somalia ka furmaaya kulanka Xildhibaanada oo uu ajandihiisu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in mar kale lagu celinaayo kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse ee horay u fashilmay gudaha asbuucaani.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah, maadaama Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), ayaa waxaa laga yaabaa inay kasoo baxdo natiijo aan la fileynin.

Xildhibaanada oo ku kala aragti duwan arrinta Qalbi Dhagax ayaa qaarkood qaba in kulanka maanta uu kasoo bixi doono natiijo isla markaana uusan fashil ku imaan doonin.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo aan arrintaani ka wareysanay ayaa sheegay in inta badan Xildhibaanada ay ku midooben in xal loo raadiyo dooda muranka badan dhalisay.

Waxa ay xaqiijiyeen in kulanka maanta laga filankaro guul isla markaana ay jiraan wadahadalo u dhexeeyay Xukuumada iyo Xildhibaanada baarlamaanka.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa yiri ”Waxaa kulanka laga filayaa inuu kusoo dhamaado guul isla markaana culeyska laga qafiifiyo xukuumada, ma sheegikaro waxyaabaha u qarsoon Xildhibaanada balse guul ayaan fileynaa”

Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii ina dhaaftay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu u baaqday kooram la’aan, taasi bedelkeeda qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeysay baaqashada kulanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com