Xog: Maxaa loo joojiyey Bandhigii Axmed Biif uu caawa ku qaban lahaa Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanka Axmed C/kariin Maxamed (Axmed Biif), ayaa caawa laga hor istaagay bandhig faneed uu ku qaban lahaa hotel ku yaala Magaalada Muqdisho, sababo aan la shaacin awadeed.

Fannaanka, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Magaalada Muqdisho, oo uu fanka ka bilaabay loo diido in bandhig faneed uu ku qabto, xilli aan wax sabab ihi loo sheegin.

“Waa nasiib-darro in Caasimaddii Somaliya ee Muqdisho, oo aan fanka ka bilaabay la’ii sheego inaanan wax bandhig ah ku qaban karin.” Ayuu yiri Axmed C/kariin Maxamed.

Fannaanka oo qorsheynaayay in bandhiga faneedkiisan uu ku qabto Hotel Samiira, ayaa dhinaca kale tallaabada lagu joojiyay waxaa uu ku macneeyay wax dadban.

“Sababta loo joojiyay bandhigga waa si dad badan, iyadoo ay Maamulka Hotel Samiira ii sheegeen in ay u joojiyeen xaalado dadban awgood.” Ayuu yiri hobolka Axmed Biif.

Axmed Biif, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yiri “Waxaan u mahadcelinaya dhammaan umadda Somaliyeed ee ka xumaatay xaaladan dadban, gaar ahaan shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, ee ka xumaatay xaaladda dadban ee lagu joojiyay bandhigayga.”

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasaaradda Diinta & Awqaafta, ay amartay inaanan wax bandhig faneed ihi lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, maalmaha sanadka cusub.

Wasaaradda, ayaa la rumeysan yahay in hay’adaha ammaanka ku amartay in laga hortagga dabaal-degga dhalashada sanadka 2017.