Xog: Mucaaradka DF oo safaf dhaadheer ugu jira hoyga Sheekh Shariif ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho kulamo gaara kula leh Siyaasiyiin ka tirsan dowlada iyo kuwo madax-banaan.

Sheekh Shariif ayaa lasoo warinayaa in shaqsiyaadkasi mucaaradka ah kala hadlaayo sida ay u taageeri lahaayen dowlada Somalia, iyadoo aan loogu roonaaneynin Farmaajo iyo Kheyre, balse la’eegayo maslaxada shacabka.

Waxa uu Sheekh Shariif dhinacyadaasi Mucaaradka ah ka dalbanayaa in eedahooda aysan noqon kuwo dumiya dalka, balse ay noqdaan kuwo suuragalinkara in lagu dhiso dalka, waxa uuna xaqiijiyay in tani ay tahay fursad dhif ah.

Mucaaradka uu la kulmaayo Sheekh Shariif ayaa waxaa ku jira Xildhibaano caan ah oo si joogta ah dowlada Federaalka uga dhaliila warbaahinta, waxaana xusid mudan in kuwaa ay ku jiraan kuwo uu dacwad ka gudbiyay Ra’isul wasaare Kheyre oo maalin un ka hor ay wada kulmeen Shariif Sheekh.

Shariif ayaa sidoo kale, kala qaaday kulamada Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kale ee mucaaradka waxaana lasoo sheegayaa inay safaf dhaadheer ah ugu jiraan Hooygiisa ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde, iyadoo aan la ogeyn sababta qarsoon ee ku hoos jirta.

Inkastoo aan la wada ogeyn go’aanka ay dhinacyadaasi ka qaaten qafiifinta mucaaradnimadooda ka dhanka ah dowlada, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar hoose oo sheegaya in tirro Xildhibaano ah ay diideen inay taageeran dowlada.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa u muuqanaaya inuu kala saaray Siyaasadiisa gaarka ah, isla markaana uu yahay mid aan caqabad gaara ku aheyn dowlada markii laga soo tago dagaal Siyaasadeedka Hoose ee uu kula jiro Farmaajo iyo Kheyre.

Ma cadda isbedelka ku imaankara dhinacyada Mucaaradka ee kulamada kula jira Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo weli miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com