Xog: Muxuu Guuleed uga baxay is-baheysigii SHARIIF XASAN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ka baxay isbaheysi Doorasho shaki badan hareeyay oo uu kula jiray dhigiisa maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xogta laga helayo isbahgeysiga burburtay ayaa sheegeysa in arrintan ayaa ka danbeysay culeysyo fara badan oo la saaray Cabdikariin Guuleed iyo isagoo u baqay saameynta ka timaada ololaha doorashada inay galaafado mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Madaxweynaha Galmudug oo tan iyo intii uu Imaaraadka Carabta u tegay arrimaha doorashada ka digo rogtay saaxiibadii iyo kooxdiisa uu madaxda u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda is daba qabtay isagoo xaqiiqsaday inay isbaheysiga Shariif Xasan uu yahay qar iska tuur iyo tijaabo halis ah oo aan wax guul ah ka keeni karin doorashada adag ee Soomaaliya xilligan ku jirto.

Inkastoo C/kariin Guuleed shaqsiyadiisa siyaasadeed iyo xilka uu hayo uu ka weyn tahay taageerada uu ku leeyahay labada Gole ayaa haddan waxay tani guul u tahay Madaxweynaha doonaya inuu dib u soo laabto ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo loolan adag ku jirta.

Isbaheysigan ayaa ujeedkeedkiisu ahaa in labada madaxweyne ay iska kaashaadaan Doorashada, isla markaana ay talada la wareegeen iyagoo isku noqonaya Madaxweyne iyo ra’iisal wasaare.

Shariif Xasan ayaa keligiis geli doona loolanka siyaasadeed ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka sidii dhacday doorashadii 2012, waxaana sii yaraanaya rajadiisa labada xil ugu sareeya sharci dejinta iyo hogaanka dalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com