Xog: Muxuu yahay qorshaha uu Cosoble usoo gaaray magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho socdaal kusoo gaaray Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Cosoble ayaa magaalada Muqdisho usoo gaaray si uu ula kulmo Wakiilada Beesha Caalamka ka joogta magaalada Muqdisho.

Cali Cosoble ayaa doonaaya in dacwadiisa xil ka qaadista uu u gudbiyo wakiilada Beesha Caalamka, waxa uuna qorshihiisu yahay inuu ku oogo dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Qoraal uu Cosoble u diray Wakiilada ayuu ku sheegay in tallaabadii Baarlamaanka ay aheyd mid afgambi siyaasadeed ah, isla markaana ay ka dambeysay dowladda Federaalka, gaar ahaan waxaa uu Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshihii xilka looga qaaday.

Cosoble ayaa waxaa magaalada Muqdisho uga soo horeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la sheegay inay u yeertay Xukuumadda Soomaaliya.

Ma cadda guusha iyo guul darida uu Cosoble kala kulmi doono Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com