Xog: Qaraxii ka dhacay Zoobe oo kiimiko halis ah loo adeegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar argagixiso oo maalmo un ka hor ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo loo adeegsaday gaari nooca loo yaqaan TM, ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga soo buuxiyay kiimiko halis ah oo horay loogu haligay umado badan.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu daray kiimikada Nugleeyrka oo la rumeysan yahay inay galis galisay nolosha malaayiin shacaba oo ku nool dalalka Syria iyo Ciraaq.

Mid kamid ah Saraakiisha reer galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho, isla markaana baaray waxyaabaha loo adeegsaday Qaraxa ayaa sheegay in kiimikada loo adeegsaday Qaraxa ay kamid aheyd Nugleeyrka, waxa uuna tilmaamay in sidoo kale loo adeegsaday sun kale oo la dagaalanta nolosha.

Waxa uu tilmaamay in kiimikadaas lagu cabeeyay baco gaara oo loogu tallo galay, isla markaana leysku xiray iyadoo loo adeegsaday Qaraxa.

Sidoo kale, Sargaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku takhasusay kiimikada, laguna magacabo Col. Teeri Yuwanga ayaa sheegay in kiimikada loo adeegsaday Qaraxa ay qeyb ka tahay nuucyada dhalisa ololka iyo kuwa nabadguurka.

Waxa uu tilmaamay in baaritaan fog ay u baahan tahay kiiska Qaraxa, waxa uun Col. Teeri Yuwanga cadeeyay in Qaraxaasi uu ka halis badnaa Qaraxyadii horay uga dhacay Somalia.

Sidoo kale, waxa uu Col. Teeri Yuwanga carab dhabay in diyaarinta Qaraxaasi uu qaatay ugu yaraan laba asbuuc, maadaama uu yiri kiimikada ay halis badan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 qof ay u geeriyooden qaraxii 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com