Xog: Qareenada ay DF u wakiilatay badda oo qalqal galshay Kenya

Hague (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay dhageysiga Dacwada Badda Soomaaliya ee u dhaxeysa labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysiga Dacwadaani ayaa waxa ay ka dhex soctaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo ay ku dhanyihiin dhammaan dhinacyada ay dacwada u dhexeyso.

Sida horayba loo sheegay dhageysiga Dacwadaani ayaa socon doonta muddo afar maalmood ah, waxa ayna Maxkamaddu dhageysatay dooda ay Dowladda Kenya ka qabto dacwadda.

Dowlada Somalia ayaa qabsatay Qareeno heer Caalami ah kuwaasi oo difaacaya Dacwadda Muranka Xuduud-Baddeedka.

Qareenada Somalia u halgameysa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Paul Reichler oo u dhashay Maraykanka iyo Qareen Allain Pellet oo u dhashay Faransiiska.

Qareenadaani dowlada Somalia ay wadato ayaa la sheegay in shaqo ahaan ay howlahaani kusoo dhex jireen sanado badan, waxaana la sheegayaa in Qareenadaani ay dowlada Somalia kala tashatay diblumaasiyiin heer caalami ah oo ka howlgala xarunta weyn ee QM.

Qareenadaani ayaa durba la sheegay inay dhexgal ku sameeyen kuwii kale oo ay wadatay Dowlada Kenya.

Qareenadaani lagu kala magacaabo Mr Paul Reichler iyo Qareen Allain Pellet ayaa sheegay in dacwadaani ay meel kusoo hubsan doonaan, isla markaana ay iska cadahaya halka ay noqon doonto biya dhaca Dacwada.

Docda kale, dowlada Somalia ayaa dhankeeda ka sheegtay inay kalsooni ku qabto Qareenada iyada u matalaaya Dacwada.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com