Xog-R/Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo ka wada hadlay Magacaabidda Wasiirka Gaashaandhigga

Baydhabo ( Caasimadda Online ) Tan iyo markii uu xafiiska baneeyey Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdi Maxamed, waxaa soconayay dadaallo ay ku doonayaan labada kooxeed ee ku loolama siyaasadda deegaanada Koonfur Galbeed ee Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Jawaari in mid walba loo magacaabo shaqsi uu wato ama ay xulafo yihiin.

Xiligan oo heer-gabagabo ah marayo latashadii lagu magacaabayay kursiga banana ee gaashaandhigga maadaama ay dawladdu dagaal galaysa, waxaa muuqata inuu booskaasi buuxin doono shaqsi ka socda dhinaca madaxweyne Shariif Xasan.

Kulan hoose oo dhex marey labada masuul ee kala Ra’isul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Shariif oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ku dhamaaday is-afgarad, waxana halkaasi balanqaad ku helay shaqsiga uu wato Shariif Xasan.

Madaxweyne Koonfur-galbeed oo saameyn badan ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya ayay sheegayaan dadka orodorosa siyaasaddu inuu xulafo la sameystay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre. Iyadoo arrintani ay walaac ka qabaan xubnaha ku dhow-dhow Jawaari oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waday dadaallo ay ku doonayaan iney kursiga uga tuuraan Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aaden.