Xog: Safiirkii Somalia ee Imaaraadka oo diiday in uu xilka wareejiyo isaga oo taageero ka haysta Imaaraadka iyo war kasoo baxay DF

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa soo saartay warqad ay ku amreyso safiirka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta inuu deg deg xilka u wareejiyo, kadib markii xilka laga qaaday.

C/qaadir Shiikhey oo muddo 10 sano ah hayey xilkan, ayaa wararku sheegayaan in lagu kari la’yahay inuu xilka ka dego, islamarkaana uu diiday inuu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warqadda loo diray ee ku taariikheysan 24-ka October ayaa ku wargelisay Danjire C/qaadir Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona Siihayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintan aysan ka marneyn khilaafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta ee la xiriira xiisadda khaliijka.

Shiikhey ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay Imaaraadka Carabta, islamrkaana xil ka qaadistiisa ay qeyb ka ahayd arrintaas, ayada oo dowladda ay dooneyso shaqsi ka amar qaata Villa Somalia, balse aan looga talin Abu Dhabi.

Dhowaan ayuu safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi ku qabtay shir ay ka qeyb galeen madaxdii hore ee Soomaaliya, oo laga sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta tahay tan kaliya ee caawisa Soomaaliya.

Diidmada inuu xilka wareejiyo ayaa la sheegay inay tahay awood uu muujinayo isaga oo taageero ka haysta dowladda Imaaraadka Carabta.

Hoos ka aqriso warqadda loo diray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com