Xog: Shariif Xasan oo xildhibaano iyo siyaasiyiin ka mamnuucay in ay…

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka uu soo rogay amar magaalada Baydhabo looga mamnuucayo Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhowr ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in amarka Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu yahay mid Garoomada maamulka looga mamnuucay inay ka degaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Amarka Hogaamiyaha oo fulintiisa u dhexeeya Madaxtooyada iyo maamulada Garoomada ayaa waxaa sidoo kale, lagu mamnuucay in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka oo hadda ku sugan deegaanada maamulka ay ka dhoofan Garoomada.

Xildhibaano ka tirsan maamulka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaa oo liiskooda la dhigay Garoomada maamulka, isla markaana ay ku adag tahay dib ugu laabashada magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, liiska la dhigay Garoomada maamulka ayaa waxaa ku jira Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka oo ku sugan magaalada Baydhabo kuwaa oo iyaguna doonaaya inay u safraan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay awoodi la’ yihiin inay ku laabtan magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili tiro Xildhibaano ah ay Hogaamiyaha maamulka ugu baaqen inuu xilka iska casilo Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com