Xog: Sidee ayey Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari ugu heshiiyeen dhismaha golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha BFS Jawaari, ayaa waxaa looga wada hadlay Hanaanka lagu soo xuli doono Golaha Wasiirada xukuumada cusub.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha uu ra’iisul wasaaraha u sheegay in looga baahan yahay in inta badan Wasiirada Cusub uu ka keeno bannaanka, oo ay xildhibaano ka mid noqon, waxa uuna ka biya diiday in Xukuumada cusub ay ku bataan Xildhibaanada sida caadada u ahayd xukuumadii hore.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu Xasan Kheyre iyo Jawaari usoo jeediyay in la kala madaxbaneeyo baarlamanka iyo Golaha Wasiiradda, waxa uuna cadeeyay in Dowladiisu aysan qaadi karin Xildhibaano haddana ah Wasiiro.

Farmaajo waxa uu sheegay in sababta uu ku diidan yahay in Xildhibaanada lagu daro Golaha Wasiirada ay tahay in Dowlada cusub ay caqabado iyo kala sooc u horseedi karto golaha Baarlamaanka Somalia oo iminka mideysan.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre ayaa isaga soo dhaweeyay soo jeedinta Madaxweynaha Somalia, waxa uuna ku raacay in la kala qaado Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka, waxa uuna cadeeyay in xubnaha Xukuumadiisa uu kala imaan doono dibadda, sid ay ilo-wareedyada u sheegeen Caasimada Online.

Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale soo dhaweeyay talada Madaxweyne Farmaajo waxa uuna kulanka ka sheegay in waligii uu ahaa mid kasoo horjeeda in Xildhibaanada loo magacaabo Wasiiro, waxa uuna soo dhaweeyay in Xildhibaanadda u khaas noqdaan Sharci dejinta iyo Hawlaha culus ee Barlamaanka.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isul wasaaraha magacaaban, Xasan Cali Kheyre ay isla qaatay in ugu yaraan 80% xubnaha Wasiiradda Cusub ka yimaadaan meel ka baxsan Xildhibaanadda BFS, si loo helo Shaqo Hufan iyo Isla-xisaabtan Joogto ah.

Xogta aan helnay waxa ay sidoo kale sheegeysaa in golaha wasiirada lasoo koobo, oo aanay u tiro badnaan sida kuwii hore, inkasta oo aan weli la hubin tirada rasmiga ah ee ay noqon doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com