Xog: Sidee ku yimi go’aanka Puntland ku raacday xulufada Sacuudiga, maxayse ku beddelatay?

Garoowe (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa go’aankii maamulka Puntland uu ugu biiray xulufada Sacuudiuga iyo Imaaradka Carabta ee dagaalka siyaasadeed iyo go’doominta ku haya dalka Qatar.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in go’aanka Puntland uu yimid wada-hadallo muddo socday kadib, uuna ku lug lahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo ah ninka Imaaraadka u qaabilsan siyaasadda Soomaalida, kana soo jeeda Puntland.

Wararka ayaa sheegay in Puntland ay go’aankan ku beddelatay dhaqaale xooggan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waxyaabaha Puntland lagu soo jiitay waxaa ka mid ah in madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada si khaas ah loogu casumey mawsimka Xajka in ay sanadkan ka qayb-qaataan. Casuumadda kadib ayaa dowladda Sacuudiga waxay bixisaa malaayiin dollar oo horey ay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dowladda federaalka ay u qaateen.

Go’aanka Puntland ayaa sidoo kale ku yimid kadib markii dowladda Imaaraadku ay ogolaatay in ay dib u bilowdo taageerada ciidanka Puntland ee ee Ilaalada badda ee PMPF, kaas oo hakad galey marar kala duwan.

Waxaa sidoo kale jira lacag aan weli la shaacin cadadkeeda oo Imaaraadka Carabta uu siiyey madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Puntland ma ahan dal madax banaan, oo qaadan kara go’aan caynkan oo kale ah, hase yeeshee ujeedada ugu weyn ayaa ah in tallaabadan cadaadis lagu saaro dowladda federaalka, waxaana xiga doona maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya oo la filayo inay taageeraan xulufada Sacuudiga, ayada oo Somaliland ay mar horeba taageertay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com