XOG: Sirta qarson ee ku duugan xil ka qaadistii Faarax iyo qorshaha C/WELI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay isku-shandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, iyadoo isbedelkaasi uusaameeyey Wasiirkii Caddaalladda iyo Dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir oo jaal dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Faarax Sheekh C/Qaadir oo haatan loo magacaabay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa ugu magac dheer wasiirada uu saameeyey Is-beddelka lagu sameeyey qaar ka tirsan xubnaha Xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu qorshaha Is-beddelka shandada ugu jirtay markii uu Isbuucii hore ka soo laabtay Safarkii uu Wakiilladda Beesha Caalamka iyo Beelaha Soomaaliyeed kula soo yeeshay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana taasi laga dareemi karaa qaabka Wareegtadda loogu muujiyey Isku-shaandheyntaas.

Cabdi Weli waxa uu sidoo kale Nairobi kula soo shiray koox beeleed hadda dib usoo nooleeneysa qabyaalad oo ay ka mid yihiin General Morgan iyo Maslax Maxamed Siyaad.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Wareegtadaasi farriin u tahay inuu Ra’iisul wasaaruhu seefta galka kaga baxay, si uu dagaal siyaasadeed xooggan uga hortago khilaafka dhinaca Aragtida ee Madaxweynaha kala dhexeeyo.

Siyaasiyiinta qunyar socodka ah ayaa rumeysan in bartilmaameedka Isku-shaandheynta ahayd  Faarax, iyadoo xubnaha kale ee la isku beddelay lala barbar dhigi karo waxa ay Soomaalida ugu yeeraan Maxaabsi.

Siyaasiyiinta ayaa waxay rumeysan yihiin in Wasiir Faarax noqday  wasiirka ugu miisaanka culus, misna jaalka la ah Madaxweynaha, iyadoo uu weliba gacanta ku hayey Guddiyadda Dastuurka iyo Qorshaha Hiigsiga ee 2016.

Xeeldheerayaasha ayaa u arkaa Xil ka qaadista Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka inay tahay mid daaqadda looga tuurayo saamaynta xooggan ee uu ku lahaa Masraxa Siyaasadda, gaar ahaan Golaha Wasiiradda, Madaxtooyadda iyo Guddiyadda u gogol xaaraya Hiigsiga 2016-ka.

Cabdi Weli oo shax siyaasadeed daahsoon ka duulayo ayaa u ololeynayo sidii ay isaga u hoos imaan lahaayeen Guddiyadda guud ee loo xil saaray Hiigsiga 2016-ka iyo Kharajyadda ay Beesha Calamka u qoondeeyey in lagu meel mariyo sidii uu ku najixi lahaa Hiigsiga sannadka 2016-ka.

Waxaa kaloo la hadal hayaa in Isku-shaandheyntan looga dan lee yahay si Kulanka Beesha Calaamka ee bisha soo socoto ee November 19-keeda ka furmi doona caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen loogu soo bandhigo Guddiga cusub ee Hiigsiga 2016-ka, iyadoo la filayo inay Beesha Caalamka lacago hor leh ugu yaboohaan Xukuumadda Federaalka.

Wasiir Faarax ayaa isagana lagu tilmaama Mas’uul xeelad badan oo shartiisa wata, maadaama uu muddadii uu xilka Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka hayey soo baxeen cabasho ka imaanaysay xubno ka tirsan Hay’addaha Dowladda iyo dadka rayidka.

Waxa uu udub dhexaad u ahaa Xil ka-qaadistii lagu sameeyey Xeer iaaliyihii hore oo isagu la sheegay in si aan sharci ahayn xilka looga xayuubiyey.

Isku shaandheynta lagu sameeyey Xukuumadda Federalka ayaan Madaxweynahu ku gacan seeray, kuna qeexay mid aan sharci ahayn.

Si kastaba waxaa hadda cayaarta siyaasadeed ku horreeya Cabdi Weli iyo kooxdiisa, waxaanse ka war sugeynaa waxa ay lasoo baxaan kooxda Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com