Xog: Taliyaashii hore ee Nabadsugidda oo ka bixi la’ xafiiska Kheyre, maxay doonayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinayo in taliyayaashii hore ee nabad sugidda Soomaaliya ay maalmihii ugu dambeeyey ka bixi la’ yihiin xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo kan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo horey usoo noqdeyn taliyayaasha nabadsugidda Soomaaliya ayaa ku jiro ololihii ugu dambeeyey oo ay ku raadinayaan xil wasiir.

Cabdiraxmaan Tuuryare oo nin kasoo jeedo Beesha Wacaysle, sidoo kalana wuxuu aad ugu dhawaa dowladii Xasan Shiikh Maxamuud ee waqtigeeda dhamaaday, wuxuuna usoo xusul duubtay sidii uu uga soo dhex muuqan lahaa golaha wasiirada ee la filayo inuu asbuuca soo socdo ku dhawaaqo Ra’isulwasaare Kheyre.

Tuuryare ayey ka go’an tahay sidii uu xilkaas u heli lahaa wuxuuna arrintaas u marayaa dad saaxiibo dhaw la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ilaa haddana nalooma caddeyn nooca wasiirka uu doonayo inuu helo.

Dhanka kale, waxaa dhankiisa isna ololo weyn wado taliyihii hore ee ciidamada Nabadsugidda qaranka Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay heysato caqabad kasoo wajheyso awood qeybsiga beeshii Habargidir maadaama siyaasiyiin badan oo ay isku beel yihiin ay isku soo sharaxeyn xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug, haddii uu ku guuleysto mid kamid ah beeshiisa Fiqi shaki la’aan wuxuu weyn doonaan inuu helo wasiir.

Lama qiyaasi karo halka uu kusoo dhammaan doono dadaalka ay wadaan labadaan nin oo ay dhanka kale ka heystaan caqabado badan oo kaga imaanayo dhanka beelahooda, balse waxaa hubaal ah in liiska wasiirada la diyaariyey lamana ogo hadii ay kamid yihiin iyo haddii kale.

Golaha wasiirada ayaa la filayey in xalay fiidkii lagu dhawaaqo balse midaas ma dhicin dib ayey u dhacday sababo aan si rasmi ah loo ogeyn awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com