Xog: Taliyaha booliiska iyo saraakiisha ka hoos shaqeeya oo is haysta

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaa aad usii adkaanaya xiriirka wada shaqeeneyd ee Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax kala dhexeeya Saraakiisha kale ee Booliska.

Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar, ayaa la xaqiijiyay inuu is fahan’waa kala dhexeeyo Saraakiisha ciidamada, kadib markii uu dhammaantooda duldhigay amaro fulintooda ku adag.

Jen. Mukhtaar, ayaa Saraakiisha ku amray inay heegan ku ahaadan Saldhigyada ay maamulaan iyo dhammaan Isgoosyada uu ka kooban yahay Degmooyinka ay ku magacaaban yihiin.

Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar oo ku ad adag dhanka sharciga ayaa Saraakiisha ugu goodiyay inay mari doonaan waxa uu sharciga qabo, haddii ay dhacdo in lagu helo khaladaad.

Wuxuu ku wargaliyay in Saraakiisha Booliska aysan ku kala sareyn doonin sharciga, isla markaana uu mari doono Sarkaal weliba.

Sidoo kale, Saraakiisha Booliska ayaa cadaadis u arka amarada uu kusoo rogo Jen. Mukhtaar, waxa ayna tani caqabad ku noqotay wada shaqeynta ka dhexeysa Sii hayaha xilka Taliyaha Booliska iyo Saraakiisha.

Dhinaca kale, waxaa lasoo warinayaa in Jen. Mukhtaar uu si KMG ah shaqada uga fadhiisiyey Saraakiil dhowr ah oo lagu heysto eedeymo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com