Xog: Taliyaha ciidamada xoogga oo qarka u saaran inuu oo isku casilo khilaaf lacageed

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa laga cabsi qabaa inuu isku casilo wax uu ugu yeeray “faro-gelin lagu hayo taliska ciidamada”, sida ay xubno ku dhow u sheegeen Caasimada Online.

Taliyaha iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa ka dhex oogan khilaaf ku saabsan cidda maamuleysa mushaharka ciidamada xoogga, kadib markii wasiirka gaashaandhigga uu ku adkeystay inuu asaga maamulo, taliska ciidankana loo daayo kaliya wixii la xiriira arrimaha dagaalka.

Jeneral Cirfiid, ayaa arrintan aad uga horyimid una sheegay wasiirka inuu shaqadiisa maamul ku ekaado, waxaana khilaafkoodu uu dhaliyey in ciidamada qaarkood ay bilihii dhowaa seegaan mushaarka ama uu dib uga dhaco.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo arrintan soo faro-geliyey ayaa xigsaday dhanka wasiirka, taasi oo aad uga carreysiiyey taliyaha, oo ku hanjabay inuu xilka isaga tagi doono.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu doonayo inuu arrintan kala hadlo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ka hor inta uusan go’aan kama dambeys ah qaadan.

Mushaharka ciidamada ayaa ka mid ah meelaha ugu sahlan, uguna badan ee inta badan dhaqaalaha lagu xado, maadaama inta badan tirada ciidamada laga been sheego, ama ciidamo badan mushaarkooda qeyb laga gooyo, amaba aan la siin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com