Xog: Thaabit oo culeys weyn kala kulmayo is bedel lagu sameynayo guddoomiyeyaasha degmooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la filayey inuu asbuucii lasoo dhaafay ku dhawaaqo isbadal uu ku sameenayey qaar ka tirsan guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, balse arrintaas dib u dhac ayaa ku imaaday.

Haddaba Caasimadda Online ayaa baaritaan kusoo sameysay sababta ugu weyn ee keentay inuu baaqdo isbadalkii la filayey inuu Thaabit ku sameeyo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa muujineyso inuu guddoomiyaha culeys weyn kala kulmayo odayaal dhaqameedyo iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa jiro Xildhibaano badan oo ku dadaalayo in shaqsiyaad ay wataan loo magacaabo Degmooyinka Gobolka Banaadir, sidoo kalana waxaa jiro ugaasyo iyo oday dhaqameedyo oo dhankooda olaha ka wado waxayna arrintaas keentay inuu guddoomiyaha ku wareero.

Guddoomiyaha ayaa la kulmayo culeys weyn oo noocyadaas kala duwan uga imaanayo, ilaa haddana wuxuu qaadan la’yahay go’aan rasmi, waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa Degmada Wardhiigley oo ay ololo weyn ka wado Xildhibaan Ubax Tahliil oo gadaal ku wadato shaqsiyaad ay dooneyso in loo magacaabo.

Sidoo kalana degmooyinka ay culeyska weyn ka jiraan waxaa kamid ah Hodan, Howl Wadaag iyo degmooyinka ku yaal Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Thabit ayaa wado qorsho uu xilalka uga qaadayo qaar ka tirsan guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir, waxaana hadda lasoo gudboonaaday culeys uga imaanayo xildhibaan iyo oday dhaqameedyo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET