Xog-waran: Puntland oo Ethiopia u fududeyneysa carqaladeynta dowladda Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Dowlada Ethiopia u horseedaya faragalinta ay ku heyso arrimaha Somalia, kadib kulan khaas ah oo magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas.

Safarkii ugu danbeeyay ee Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ku gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid salka ku haya Faragalin toos oo lagu sameeyo Arrimaha Somalia.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn , ayaa Puntland ku qanciyay Hub, Agab milliteri iyo in loo sameyn doono Mashaariic loo arko in waxtar ay u leedahay Puntland, waxa uuna Heshiiskaani iyo qancinta C/wali Gaas qeyb ka yahay fududeynta fargalainta Ethiopia.

Heshiiska ayaa waxaan waxba ka ogeyn dowladda federaalka ee Soomaaliya, waana qeyb ka mid ah dadaalka Ethiopia ee ku aadan inay qaska Soomaaliya u adeegsato maamul goboleedyada hoos-taga.

Gaas waxaa sidoo kale lagu abaalmariyay Dhaqaale xoogan oo lagu dhiiri galinaayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ethiopia ay ka danbeysay Heshiiska Dowlada Imaaraadka loogu wareejinaayo Dekadda Boosaaso.

Dowlada Ethiopia oo uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa Gabaad ka dhigan doonta Puntland waxa uuna qorshuhu yahay in Ethiopia ay si toosa u maamulato Deegaanada hoostaga Puntland, iyadoo halkaa ku leh Sirdoon ka diiwaan gishan maamulka Puntland.

Dadaalada ay Ethiopia ugu jirto kasbashada Puntland ayaa waxaa kamid ah in gudaha Puntland ay ka hirgaliso laba mashruuc oo hirgali doona bisha May ee sanadkan.

Mashruuca koowaad ayaa ah in Puntland loo dhisaayo Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, halka Mashruuca labaad uu yahay in la dhisaayo waddo laami ah oo isku xireysa Garoowe iyo Eyl, waana mashaariicdii ugu horeysay oo Ethiopia ay ka fuliso gudaha Somalia, waxaana laga damacsan yahay Mashaariicdaasi sida Ethiopia iyo Puntland ay u cuuryaamin lahaayen DFS.

Puntland ayaa dhinacyada Siyaasada iyo Sirdoonkaba kala shaqeysa Dowlada Ethiopia oo la rumeysan yahay inay tahay Dowlada koowaad oo cadow ku ah Hanaqaadka Somalia, waxa ayna tani xoojineysaa faragalinta ay Dowladaasi shisheeye ku heyso Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaan ku baraarug saneyn is kaashiga cusub ee ka dhex curtay Dowlada Ethiopia iyo Maamulka Puntland oo fududeynaaya dhabar jabinta Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com