Xaal marin xilka Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilka Ra’iisul Wasaaraha waa xilka ugu sareeya hay’adda fulinta, Dastuurka waxaa ku qoran inuu yahay Madaxa Xukuumadda Federaalka ah, wuxuuna xaq u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada, horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

Waa hoggaanka siyaasadda iyo maamulka ee Golaha Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka soo jeedo Beelaha Muqdisho dega, Waxaa laga filayey in uu ka xigsan doono Madaxweynaha reer Muqdisho.

Laakiin waxaa muuqata in uu arrinkaas ku fashilmay, Muqdisho waxaa ka socda shirar lagu diidan yahay Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir, laguna doonayo maqaamka iyo metelaadda Gobolka.

Waxaa dhinaca kale gudaha iyo dibadda dalka ka socda shirar siyaasadeed oo dhaliilo loogu jeedinayo Xukuumadda Kheyre, shirarka ayaa waxaa horboodaya siyaasiin reer Muqdisho ah.

Guddoomiyaha gobolka waa nin saamayn xooggan ku leh Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waana tan keentay in loo magacaabo xilka gudoomiyaha Gobolka, noqdana guddoomiyihii ugu da’da yaraa ee Gobolka soo mara.

Waxaa muuqata in Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka ay si wayn isugu laran yihiin, Xafladii xil wareejinta oo ay dadku filayeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha goobjoog ka noqonayo ayaa la arkay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo goobta dhex taagan.

Guddoomiyaha wuxuu maanta calaqday xaflad caleemo saar oo si boqortooyo loo soo agaasimay, toos looga tabinayey taleefishanadda, Fardo iyo mootooyin, shirib iyo Fanaaniin heeso amaan ah tumayey.

Waxaase amakaag ku riday dadkoo dhan markii  uu xaflada ku soo biiray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xubnihii Golaha Wasiiradda.

Waa dhaqan wali ku dhiman siyaasadda in Ra’iisul Wasaare sacab ka tumo xaflad gudoomiye lagu soo dhoweynayo.

Waxaase iswayndiin leh ma guddoomiyaha ayaan kalsooni qabin oo cudud iyo garab uga baahan Kheyre ? Mise Kheyre ayaa Mukalaal Madow laga yahay oo Guddoomiyaha isku Ilaalinaya.

By Abdi Mohamed