Xog-warran: 5 arrin oo aan ka ogaanay shirkii jaraa’id ee CC (Xaalku ma fiicna)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu kululaa, isaga oo si ba’an u eedeeyey qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo uu sheegay inay faro-gelin ku hayaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa arrimo badan ka hadlay hase yeeshee, wuxuu ka gaabsaday inuu magacaabis sameeyo, islamarkaana shaaciyo ujeedooyinka hadalladiisii dadbanaa.

Hadaba Caasimada Online ayaa ayada oo kaashaneysa xog gaar ah oo ay heshay iyo fallanqeyn, waxay idiin soo gudbineysaa waxyaabihii aan ka garanay hadallada Cumar Cabdirashiid.

1 – Ethiopia: Dalka deriska ah ee Cumar Cabdirashiid uu ka gaabsaday inuu magacaabo balse hadalkiisa uu ka wajahnaa waa dalka Ethiopia. Ma ahayn maalmahanba wax qarsan in Ethiopia ay ku lug lahayd arrimaha doorashada Soomaaliya, hase yeeshee haddiiba intaas uu sameeyey Cumar, waxaa wanaagsaneyd inuu si rasmi ah u carabaabo Ethiopia, taasi oo noqon lahayd weji cusub oo siyaasadda Soomaaliya kusoo kordhay, maadaama qof xil ka haya Soomaaliya aanu weligiis si toos ah u weerarin Ethiopia.

2 – Xasan Sheekh: Musharaxa uu Cumar Cabdirashiid  ka gaabsaday inuu sheego balse uu yiri ‘Ethiopia ayaa gadaal ka riixeysa’ waa madaxweyne Xasan Sheekh. Tuhunka la xiriira arrintan muddaba wuu socday, waxaana shakiga sii kordhiyey warbixintii hay’adda Ethipia ee CDRC ee ku baaqday in qof aan Hawiye ahayn aan dalka looga dhigin madaxweyne.

3 – Guuleed, Shariif iyo Madoobe: Madaxda maamul goboleedyada ee Cumar Cabdirashiid uu ka baqay inuu magacaabo balse uu sheegay inay taageerayaan madaxweyne Xasan Sheekh waa Cabdikariim Guuleed, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe. Siyaasaddu waa wax ku dhisan isbaheysi iyo dan, sidaa darteedna saddexdan mas’uul ayaa dantooda siyaasadeed ay uga dhex muuqataa Xasan Sheekh. Si kastaba Cumar waxa uu sheegay inay qasbeyso dowlad deris ah [Ethiopia].

4 – Laba Weji-leyn: Cumar Cabdirashiid wuxuu si dadban ugu eedeeyey Xasan Sheekh inuu taageero ka helayo Ethiopia, waxaase yaab leh in qof waxa uu isaga sameynayo ku eedeeyo qof kale. Cumar Cabdirashiid waxaa gadaal ka riixaya dowladda Kenya, oo waqtigan Soomaali badan ay u arkaan inay ka xun tahay Ethiopia, halisna loogu jiro oo ay suurto-gal tahay in berri ay u xalaalowdo badda Soomaaliya, maadaama lagu dhawaaqayo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

5 – Xaalka oo xun: Shirka jaraa’id ee Cumar Cabdirashiid waxaa ka muuqata siyaasi taagan xaalad naf-hurnimo ah, oo wax uu la haro aysan jirin. Waxaan ka garanay inuu la’aa kalsooni una muuqatay inuu quus taagan yahay. Waxaa wararku sheegayaan in dhaqaalihii Imaaradka laga filayey la waayey, ayna u weecdeen Sheekh Shariif. Qaar ka mid ah xildhibaano taageersan ayaa u wareegay Faroole.

Si kastaba, qof kasta oo Soomaali ah oo aaminsan in 24-ka musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya uu mid midka kale uga wanaagsan yahay danta qaranka, waa qof hurda, oo aan marnaba fahmeyn sida ay u shaqeyso siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com