Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 1-aad)

Assalaamu Calaykum, inta aan u guda gelin taxanaha arrimaha igu waajibka ah inaan ka hadlo qodobbada kala duwan ee la xiriira cinwaanka maqaalkan, maaddaama aan xogogaal u ahay.

Runtii, waxaan hubaa in akhristayaasha nasiibka u yeeshay inay aqristaan maqaalkan, ay ku mashquuli doonaan reerka aan ka dhashay, inta aanay si xilkasnimo leh ugu kuur gelin nuxurka qodobbada aan ka hadlayo iyo fikradaha la xiriira. Anigu waxaan ahay nin asalkiisu ka soo jeedo Soomaaliya oo dalka wax ku bartay kana soo shaqeeyey laga soo bilaabo 1971 anigoo xilal muhiim ah ka soo qabtay hayado kala duwan oo waddan kasta oo dunida ah loogu magacdaro “Hay’adaha Halbowlayaasha u ah jiritaanka Qaran”. Haddii aan in kooban idinkaga warramo, hawlihii aan ka fuliyey waddanka, marka laga reebo kuwa hay’adihii aan ka soo shaqeeyey, waxaa ii sharaf ah inaan ahay qofkii sameeyey naqshaddi isla makaana hirgeliyey taalladii geesigii Maxamed Cabdulle Xalane oo aan ka hirgeliyey iridda weyn ee Xeradii Tababarrada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo intaan loogu magac darin geesigaasi la odhan jiray Campo Vittorio Bottego. Daddib burburkii qarannimada Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday inaan dalka ka dhoofo oo aan u soo kicitimo dalka Jabuuti, halkaasoo aan ka qabtay hawlo qaran oo kala geddisan, gaar ahaan shirkii ugu horreeyey ee dib u heshiisiinta jabhadihii kala duwanaa oo dalka maamulayey. Qofkii waagaas nasiib u yeeshay inuu goobjoog ka ahaado ama xogogaal, waxaan shaki ku jirin inuu fahamsanaa waddadii ay Somaaliya cagta saartay miraheediina maanta la guranayo. Lix bilood kaddib waxaan u soo safray qaaradda Yurubta Galbeed oo aan muddo 27 sano ku sugannahay, halkaasoo aan wax ku bartay kana noqday biblomaasi. Haddaba, waxaan jeclahay inaan u gudagalo talo bixinta qodobbada kala duwan, anigoo ku bilaabayo sida ay u kala khatarsan yihiin sababaha keenay in waddankeenna muddo 27 sano uu ku sugnaado fowdo.

  1. Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe, ilaa maanta aan joogno waxaa waqti iyo hanti lagu lumiyey shirar ay noo meeriyeen dalal shisheeye kaddib markii qabaa’ilka kala geddisan ee ka qayb galay shirkii ugu horreeyey ee lagu qabtay dalka Kenya looguna  magac daray  “Dib u heshiisiin”. Mas’uuliyiintii xilligaa ka qaybgalay shirkaas oo intooda badan ilaa hadda ka muuqdaan loollanka siyaasadda Soomaaliya, ayaa giddigood ku andacooday in loo baahan yahay dib u heshiisiin waayo waxay Beesha Caalamka ka oggolaadeen in xalku ku jiro hirgelinta hab federaali ah. Waxaan hubaa in midkood aanu u war hayn macnaha iyo sababta ummad ugu heshiiso hab Federal ah. Habka federaalka wuxuu xal u noqon karaa dal ay ku wada nool yihiin ummado kala geddisan, kala dhaqan ahn oo aaminsan diimo kala geddisan isla markaana ku wada hadla luqado kala duwan. Haddaba, haddaan indhaha layska tirayn, Somaaliya xal uma aha nidaamka Federaaliga ah, waayo waa dal  ay ku nool yihiin ummad keliya, dhaqan wadaag ah, hal luqad ku wada hadla isla markaana aaminsan diin qur ah.
  2. Taa waxaa ka sii daran, dhaqanka culimadii Soomaaliyeed ee iska xaadiriyay shirkaas iyagoo leh waxaan nahay culimadii ahlu diinka ee Soomaaliyeed. Guddigii abaabulayey shirkaas ayaa ku war geliyay culimada in meesha ay ku shirayaan qabaa’ilka soomaaliyeed ee haddii aad doonaysaan inaad ka qayb gashaan waxaan ku talinaynaa in qof kasta uu iska xaadiriyo qabiilkiisa, taasoo nasiibdarro ay aqbaleen qof kastana uu iska xaadiriyey qabiilkiisa. Halkaas culimada soomaaliyeed waxaa hareer maray fursad muqaddas ah haddii ay ku adkaysan lahaayeen inay uga qaybgalaan culimo ahaan, waxaana hubaa in maanta xaalku sidaan dhaami lahaa.
  3. Qabaa’ilka Soomaaliyeed ilaa soo jiritaankiisu waa dagaallami jiray, gartuna waxaa lagu soo jari jiray geed hoostiis. Ilaah baan idinku dhaarshay, dib u heshiisiin ma xumee,horta yaa dagaalsan oo la heshiisiiyaa?
  4. Ma qurux badna inaan halkan ku xuso, waxaa jiray siyaasiyiin beesha caalamka ka dhaadhiciyay in ay jiraan qabaa’il Soomaaliyeed oo aaminsan diin ka baxsan tan lagu yiqiin Soomaaliya ee Islaamka ah, sida Kristaanka iyo waliba tan Yuhuudda. Waa wax laga caroodo in siyaasiintaas qaarkood ay ilaa hadda ka dhex muuqdaan siyaasadda Soomaaliya……La soco qaybaha xiga.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal