Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 11-aad)

  • Nabadgelyada
  • Ciidammadu, inta ay tababarka ku jiraan waxaa la siiyaa duruus aad u fara badan oo

kala duwan, kuwaasoo isugu jira kuwo xeelad iyo saanadba, gaar ahaan hubka uu ku fulinayo

mas’uuliyadda ama hawsha loo xilsaaray. Aad bay u adag tahay in halkan lagu soo koobo

tababarrada waayo waa kuwo 360° ah, hase yeeshee waxaan jeclahay inay ka xog warramo

howr qodob oo asaas u ah tababarrada ciidanka:

  1. Waddaniyadda:

Waa qodob la’aantiis uu ciidan ku hanan karin inuu waajibaadkiisa si hufan ugu guto, waayo marka waa in culeys la saaraa lagana dhaadhiciyaa inay yihiin ciidan qaran ee ku dhaartay inay naftooda ugu huraan qaranka ee ma aha inay yihiin ciidan u adeegaya shakhsi ama qabiil. Dawladda waxaa waajib ku ah inay u dhamaystirto wax kasta oo ku saacidi kara inay waajibaadkooda si hufan ugu gutaan, gaar ahaan noloshooda ee ma aha inay ku tiirsanaadaan dal shisheeye. Runtii, ma sahlana tababar ciidan, sababtoo ah waa cududdii difaacaysay qarannimada taasoo la’aanteed aanay ummad isku sheegi karin inay qaran tahay. Waan la soconaa in dalkeenu tabartiisu aad u yar yahay, hase ahaatee ma dhici karto inaan taasi cudurdaar uga dhigno oo aan ciidankeenna ku fiirsanno gacan shisheeye.  Taasi waxay na dhaxalsiisay in maanta ciidankeenii oo ka mid ahaa kuwii ugu fiicnaa qaaradda Africa, ay kala qoqoban yihiin dalal fara badan ay hoos harsanayaan. Ilaah baan idinku dhaarshee, ma ciidan qaran baa mise ciidan shisheeye oo aan marnaba laga filanayn inuu u adeego danaha dalka iyo dadka. Waxaad marag iiga tihiin in dhowr jeer ay dagaallameen ciidan qaran ku-sheeg Soomaaliyeed oo ka kala amar qaata dalal shisheeye.

Sidaan kore idinkugu sheegay, Soomaaliya waxaa u heshiiyey cid kasta oo khatar u aragta dib u hanashada qarannimada Soomaaliyasoo, iyagoo u qoondeeyey hadaf dhow iyo mid fog.

Mar haddii qarankii la sii burburinayo oo dalkii ay ciidammo shisheeye oo cadow ah joogaan, dalkii la sii kala qaybiyey, baddii baaxadda weyneyd ee khayraadka faraha abadan ku jiray aan maanta fara lagu hayn, ummaddiina maalin kasta khilaaf aan kala go’ lahayn la dhex dhigayo, maantana hawadii Soomaaliya lagu dhiirraday in dalal shisheeyey gacanta loo geliyo, waxaan filayaa inaan baahi u qabin Ciidan illayn qaran ay difaacaan faro laguma hayo. Taasii waxaa xigi doonta in ummadda Soomaaliyeed lagu kala biiriyo dalal shisheeye. Anigu ma aaminsani inaan ahay qofka keliya ee dareenkaan qaba, hase yeeshee waxaan is weydiinayaa aaway dadka intiisa kale, anigoo aaminsan in inta badan ay ila dareen yihiin. Ha la ogaado in ka aamusku yahay cod oggolaansho. Ma jiro qof raali ka noqonayo in gurigiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa cid kale u maamusho. Ma waxaan laga xishoodaan ahayn inaan maanta oggolaano ama raali ka noqonno xaaladda uu dalku marayo? Away waddaniyaddii lagu yiqiinnay ummadda Soomaaliyeed? Ma waxaan iska dhicin kari la’nahay cadowga iyo kuwa la hal maala ee annagoo soo taagan maalin kasta qarankeenna duminaya? Waxa ugu qaalisan ee Ilaahay nagu aaminay waa nafta, iyaduna waqti xaddidan ayey leedahay, qof kastana waa garowsan yahay inuu dhimanayo. Maalinta Ilaahay hortiisa nalagu xisaabinayo, camalkayaga ka sokow waxaan shaki ku jirin inaan la hortegi doonin damiir shakhsiyadeed kana baxsan camalkeenna, kana mid noqon doonno duulka damiirlaaweyaasha.

Qofka khaa’innnimada kula kaco dalkiisa iyo dadkiisa isagoo u adeegayo danaha dal shisheeye, waxaa hubaal ah in dalkaasi uusan kalsooni ka helayn, waayo waxaa la aaminsan yahay in mar haddii uu khaa’in ku noqday dalkiisa iyo dadkiisa cid kale u daahayn.

  1. Hubka Ciidanka:

Hubka uu ciidanku ku hawlago waa mid qaran, ma aha mid shakhsiyadeed ama qabiil. Waxaa loo hubeeyay inuu ku difaaco dalka iyo dadka ee ma aha inuu kula soo jeesto dadka. Xisaab ma leh inta jeer ee dad fara badan naftooda ku waayeen. Hubkaasi, waxaa lagu kaydiyaa meelo cayiman oo ammankeeda sugan yahay, wuxuuna hanan karaa markuu hawl gudanayo ee ma aha mid shakhsiyadeed oo goobaha shaqo lagala fogaado. Waxaa dhacda in askarigu markuu gurigiisa u rawaxayo uu hore u sii qaato qorigiisa, marka uu soo shaqo tagayana uu la soo xaadiro. Waa yaabee, qoriga ma wuxuu u wataa inuu u ugaarsi tago mise inuu qaran ku difaaco? Ciidanka waxaa lagu tababaraa inuu qaato isla markaana uu siduu yahay u fuliyo amarka madaxdiisa, hase yeeshee marna ma oggolaan karo inuu qaato amar ah inuu dilo qof shakhsi ah, waayo awooddas waxaa u xilsaaran sharcina u leh ciidan gaar ah kuwaasoo fulinaayo xukun maxkamadeed. Ciidanku xitaa awood uma laha inuu dilo maxaabiista dagaalka ee is-dhiiba, oo aan khuseyn inta uu dagaalku socdo. Mar haddii mabaadi’da iyo xeerarka ciidammadu sidaa qeexayaan, yaa u banneeyey in askari uu toogto qof shacab ah?

Sannadkii 1972kii, markii aan soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare ayaa waxaa naloo diray Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Xalane, inta aanan gudan waajibaadkii shaqada qaranka. Runtii, 45 sano kaddib waxaa mucjiso igu noqotay inaan maskaxdayda ka saari la’ahay dardaaran u na siiyey sarkaal xigeen dugsiga tababare ka ahaa una xilsaaranaa hubka, kaasoo kaddib markii uu si hufan noogu  sharraxay taariikhda qoriga adduunweynaha halaagay ee Soomaliyana sidii shaatiga loogu lebbisto ee AK 47, ayuu intuu kor u qaaday qoriga nagu yiri: “Qorigan waxaa la yiaahdaa AK 47, meeshuu ku bato raggaa ku yaraado”.  Bal fiiriya inta sano ee ka soo wareegatay iyo wuxuu na dhaxalsiiyay qorigaasi. Mas’uulkaasi wuxuu nala dardaarmay xilli nabadeed annaguna 45 sano kaddib waan ku lebbisanahay………….La soco qaybaha xiga Insha Allah.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal