Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 12-aad)

Mar haddaan si kooban uga xog warramay Ciidammada Qalabka Sida, waxaan jeclahay inaan u gudbo ciidan laf dhabar iyo indho u ah dawlad kasta oo dunida ka jirta, waa Ciidanka Nabad Sugidda oo addunweynaha looga yaqaan Xuuraanka ama “Intelligence Service”. Ciidankani ma aha mid ka hawl badan kuwa kale, ka sharaf badan ama ka karti badan  ee waa mid hay’adaha iyo qaybaha dawladda oo dhan ka faa’iideysanayaan marka loo eego waaya aragnimada hawlaha ay u xilsaaran yihiin. Sideedaba, ciidakan wuxuu si toos ah u tagaa maamulka madaxa xukuumadda, isla markaana hoggaanka u haya hay’adaha fulinta.

Hay’adda Nabad Sugidda, waxay si gaar ah ugu xilsaaran tahay inay dawladda maalin kasta ka siiso warbixin la xiriirta xaaladaha guud ee dalka, iyadoo ay u ifinayso inay marka hore darsaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay, marka xigana ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku dhaqaaqayso ku salaysan yihiin warbixinnada ay soo gudbiso hay’addaasi oo sida runta ah ka fog siyaasad ama shirqool kale. Nabad Sugiddu, maaddaama ay dusha ka saaran tahay mas’uuliyad aad u xasaasi ah lana xiriirta ka run-sheegga xaaladaha uu dalku ku sugan yahay, waxaa lama huraan ah inay ka feejignaadaan inay u adeegsadaan xogaha ay hayso inay uga faa’iidaystaan dano ama arrimo kale oo ka baxsan hawlaha lagu aaminay. Sidaa awgeed, waxaa lama huraan ah in shaqkhsiyaadka hay’addaasi ka tirsan, gaar ahaan madaxda, ay noqdaan kuwo lagu soo xulay waddaniyad, daacadnimo, xilkasnimo, karti iwm.

Haddaba, maaddaama hay’addani tahay mid hawshadeedu la xiriirto nabadgelyada guud ahaan meel kastoo ay ku jirto, waa inay ahaato mid midaysan oo u adeegaysa dalkeeda iyo dadkeeda ee ma aha inay ku soo baxdo mid dalal shisheeyey u adeegta. Sida taariikhdu na barayso, dunida waxaa soo maray hay’ado nabad sugid oo badan oo ku sifoobay u adegidda dano shakhsi ama siyaadeed, kuwaasoo ilaa hadda weli ku galgalanayo xasiloonida dalalka marka aan ka fiirino dhanka xukuumadahooda ilaa ay ku guulaystaan inay af-gembiyaan dawlado lagu tilmaamo inay halis ku yihiin dunida, gaar ahaan dalalka dano gaar ah leh.

Su’aashu waa: Hay’addani ma ceeb ka-saliim baa? Jawaabtu waa maya, waayo way u madax bannan tahay inay addegsato kuna kacdo wax kasta oo ay ku ilaalinayso nabadgelyada dalkeeda iyadoo xijaab u noqonaysa cadow kasta oo halis ku ah qaranimada dalkeeda iyo dadkeeda. Dunidu waa ka mamnuuc in hay’adda nabad sugidda is hubayso, waayo hubka keliya ay adeegsanayaan waa xogta dhabta ah ee ay hesho iyadoo u gudbinaysa madaxda dalka si tallaabada ku habboon looga qaado. Hay’adda rasmiga ah ee Nabad Sugidda, waxaa ka halis badan hay’ado kala duwan ee la adeegsado, kuwaasoo magacyo kale loo yeelayo, sida Cilmibaaris, NGO, hay’ado rayid ah oo fara badano o gabbaad ka dhiganayo hawlo aan laga shakin karin, is kaba daayee inay u lebbistaan sida ciidan, qoryo iyo tekniko qaataan. Hay’adaha Nabad Sugidda ee dunida, intooda ugu waawayn ee caanka ah, xogaha ay adeegsadaan 70% ama 80% waxay ka helaan hay’adaha aan kor  ku soo sheegay iyo teknolojiyada, inta soo hartaan waxay ka helaan dhanka xuuraanka caadiga ah, sida adeegayaasha iyo ilaha bulshoweynta. Hore ayaa Soomaali u tiri: War helaa Talo hela.

Anigu, run ahaantii, inkastoo aan is leeyahay si hufan ayaad xogogaal ugu tahay, haddana ma  doonayo inaan hab-dhaqanka caalamiga ah ee hay’adaha nabad sugidda iyo midda waddankeenna ka jirto is barbardhigo, waayo ma aha mid ka qarsoon indhaha dadweynaha, waana mid aan ku sifeyn karo inay ku soo baxday mid la jaan qaadday dhaqan isku-yaaca ka jiray dalkeenna, taasoo na dhaxalsiisay in ummaddii oo dhan ay isugu soo uruurtay fannaan, wariye, qurbojoog faashi ah oo jago raadinaya iyo siyaasi aan farac iyo isir toona u lahayn hawlaha oo doonayo inuu qabto.

Haddaba, waxaan maqaalkayga ku soo koobayaa: ilaa inta aan wax laga qaban is-dabayaaca faceenna naga reebay, ay irrintu gaari doonto heer aynaan waxba ka qaban karin. Hore ayaa dad badan oo xisaab lahayn Soomaali ugu sheegay meesha ay wax ka qurunsan yihiin iskuna dayey inay u caqli celiso sida uu dalkeenna dib ugu soo noolaan lahaa, hase yeehee ayaandarro dhegaha jalaq looma siin. Markaad rabto inaad deresto nolosha xaadirka ah, waa inaad barbardhigto sidaad hore u noolayd, sidoo kale marka aad doonayso inaad deresto noloshaada mustqbalka waa inaad barbardhigto tan aad maanta ku nooshahay iyo tan aad rajaynayso mustaqbalka mid dhow iyo mid dheer intaba. Soomaaliyey, runta aan isku sheegno, ma waxaan masiirka dalka ku daynaynaa shashsiyaad dhallin yar oo aan weligood soo arkin wanaagga iyo nicmada harsashada dallad qarannimo, dawladnimo, nabadgelyo, caddaalad iwm. una muuqda oo keliya inay ku dhistaan noloshooda shakhsiga ah?………..La soco qaybaha xiga Insha Allah.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal