Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 2-aad)

Tan iyo intii uu socday shirkii ugu horeeyey, qof kasta oo aqoon u leh siyaabaha lagu heli karo qarannimada , midnimada iyo dawladnimada,  waxaa u muuqday asaaska burburka qarannimaha Soomaaliyeed kuwaasoo ka dambeeyey dawlado shisheeye oo aan marnaba oggolayn in Soomaaliya ay hanato midnimadeeda iyo qarannimadeeda, dawladahaasoo aan marnaba hilmaamayn awoodda ay lahayd Soomaaliya burburkii ka hor, gaar ahaan 70meeyadii iyo wixii ka horreeyey. Cadowga Soomaaliyeed waxaa loo dejiyey qorshe fog oo ujeeddadiisu ahayd inaanay mar dambe Soomaaliya midoobin oo la kala qaybiyo.

Sidaas awgeed, maaddama ay Soomaalidu sheeganayaan khilaaaf salka ku haya doqonnimo, waxaa laga dhaadhiciyey ay ku dhaqmaan habka Federalisimka ah ayna oggolaadeen. Nasiibdarro, marka aad qaadanayso hannaanka Federalisimka waxaa habboon inaad marka hore aqoon u leedahay hannaankan waxa uu xal u yahay. Hannaankan wuxuu xal u noqon karaa ummad ku kala qaybsan jinsi, caqiidad, luqad iyo dhaqan laakiin deegaan wadaaga.

Waa ayaandarro in Soomaalidu oo caan ku ahayd ummad intaas ka wada siman haddana garan waaysay inay iska fogeeyaan fikirka noocaas ah oo u horseeday xaaladda maanta dalku ku sugan yahay. Intii aan ku sugnaa Yurub, waxyaabaha iigu cuslaa waxaa ka mid ahaa in shirarka looga hadlayey arrimaha Soomaaliya su’aasha ah: Waa maxay sababaha ku kalliftay Soomaalidu inay qaataan nidaamka Federalisimka, maaddaama caalamku ka baxsan yahay inay Soomaalidu  wadaagaan jinsi, caqiidad, luqad iyo dhaqan keliya? Run ahaantii 26 sano kaddib, anigu shakhsi ahaan jawaab uma helin.

Waxaa taasi ka sii daran in habkii loo meeriyey inay u soo xulaan xubnaha baarlamaanka uu ahaa mid xitaa dalalka dunidu, ka xishoodaan inay ku dhaqmaan oo an inaan anigu soo magacaabo xubintii i soo dooran lahayd. Waa cajiib, meeshaas caqli ma shaqayn. Waxaa taasi ka daran in habka awood qaysiga lagu saleeyay nidaam sii kala fogaynayo ummadda walaalaha ah, kala fadli yeelidda qabaa’ilka dhexdooda oo loogu magac daray 4,5. Su’aashu waxay tahay: Ma qabaa’il cusub ayaa Soomaaliya ku soo biiray? Jawaabtu waa maya, waayo Soomaalidu awoodda way qabysan jirtay, iyadoo aan la takoorin.

Burburkii dawladdi dhexe kaddib, waxaan maqlayay qabanqaabinta shirar dib-u-heshiisiin oo ilaa hadda la hadal hayo. Marka hore waa fikir saliim ah in heshiis la dhex dhigo dad dagaalsan, hase yeeshee 26kaa sano weli cidna  isma weydiin laba arrimood oo muhiim u ah dib-u-heshiisiin, waa haddii ay dhab tahay: Yaa dagaalsan iyo maxaa lagu dagaalsan yahay?. Bal Ilaah baan idinku dhaarshee, weligiin ma maqasheen shir dib-u-heshiisiin oo sal u ah cidda la heshiisiinayo iyo waxay u dagaalsan yiihiin? Jawaabtu waa maya.

Haddaan tusaale ahaan u soo qaato, qabaa’ilka Soomaaliyeed intii ay soo jireen khilaaf ama dagaal ayaa ka dhex qarxi jiray, hase yeeshee iyadoo la raacayo dhaqanka suuban ee caanka  ku yihiin, waxay hoos fadhiisan jireen geed hoostiis oo gartu ku qaadi jireen kuna kala dareeri jireen iyagoo heshiis ah. Weligeed ma dhicin qabaa’il is khilaafsan oo gartoodu socotay 26 sano.

Haddaba, midda keliya ee aan garowsan karo waa haddii laysku raaco in Somaalidu aanay jinsi wadaagin, islaannimadana ka baxday, luqado kala geddisan ku hadla isla markaana dhaqan kala duwan haysta. Bal dib u eega, haddii jiilka hadda jira uu sidaan u dhaqmayo, maxaa laga filan karaa kuwa soo socda oo hubaal ah inay ku hadlayaan luqado kala geddisan sida Ingriis, Swedish, Norwegian, Danish, Fransiis, Jarmal, iwm iyo dhaqanno shisheeye oo lagu abaabiyey iyo fikrado qallafan oo ujeedkoodu yahy in tashwiish lagu abuuro Diinta Islaamka ee muqaddaska ah ee aan isir ahaan u aaminsan nahay. Ma rumaysanaysaa in 80% caruurta ku nool qurbaha ayan waxba kala socon isirkooda iskaba daaye inay ku hadlaan luqadda soomaaliga. Soomaalidu marka ay qaadanayaan jinsiyadda waxaa lagu xujeeyay inay imtixaan u galaan ku hadalka luqadda iyo macluumaad kala duwan oo dalkaas ku saabsan. Run ahaantii, Soomaalidu waxay caado ka dhigatay in fikrkooda aan dhaafsiisnayn maanta oo aanay weligood ku xisaabtamin mustaqbalka ubadkooda.  Haddaba, ma filayo in cid ku fekerayso inay ku xisaabtanto aayaha ubadkeenna xitaa waalidkooda, dawlad iskaba daayee. Haddaanan aannagu ku fekerin ma cid kale ayaa noo maqan oo aan ka  sugaynaa?…….Mahadsanidin…..La soco qaybaha xiga.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal