Xog-warran: Farmaajo ma AAR ayuu noqon mise UGAAR?

Waa faallo xiiso badan oo aan kaga hadli doono arrimo badan oo ku saabsan caqabadaha horyaalla madaxweynaha  lagu wareejiyey taliska dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

16ka bisha Febraayo 2017ka waxay noqon doontaa maalin taariikh gooni ah u leh shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah maalintaan waxaa taliskiisa iyo shaqadiisa bilaabay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo Calanka Buluugga ah ka guduumay Xassan Shiikh Maxamuud oo uu xilka kala wareegay.

HORDHACA FAALLADA

Waxaan faalladaan uga hadli doonaa arrimo ku saabsan caqabadaha horyaalla madaxweynaha iyo qaabka saadaal ahaan uu uga gudbi karo. Danaha dowladaha deriska ah ay ka dhex arkaan Farmaajo iyo danaha uu ka dhex arko isagu, qaabka uu uga faa’iideysan karo iyo jillaafooyinka laga yaabo inay u dhigaan dowladaha deriska ah.

Sidoo kale, maadaama uu Farmaajo yahay mid ka mid ah Madaxweyneyaashii ay ugu jeclaayeen shacabka Soomaaliyeed sida uu uga faa’iideysan karo jaceylka looga qabo Raas Kambooni illaa Raas Caseyr, weliba waxaan bidhaamin doonaa qaabka uu u mideyn karo Shacabka Soomaaliyeed ee nabadda u liita.

CAQABADAHA HORYAALLA FARMAAJO

Shaqsi kasta oo siyaasadda ka faallooda oo aad kala sheekeysato arrintaan wuxuu ku dhihi doonaa, caqabadda ugu weyn waxay u noqon doontaa Farmaajo qaabka uu usoo xulanaayo Madaxa Wasiiradda Soomaaliya. Sababtoo ah xilkaan waxaa looga baahan yahay inuu u dhiibo shaqsi kasoo bixi kara isla markaana aan ka hor imaan isaga afarta sanno ee ay ka shaqeynayaan Madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado dadka ka qarsan, Dowladaha Deriska ah sida Ethiopia iyo Kenya waxay isha ku hayaan inay jillaafo u dhigaan Farmaajo, waxayna dhaqaale xoogan ku bixin doonaan qaabkii ay u fashilin lahaayeen xukuumadda uu soo dhiso, sidii caadada aheyd waxaa laga yaabaa inay lacag xoogan ku bixiyaan qaabkii ay isaga horkeeni lahaayeen isaga

Malaha, mooshinkii Baarlamaanka ayaan sidoo kale meesha ka marmaan doonin haddii MONEY miiska lasoo saaro. Waana farxadda dowladaha deriska ah. Haddii la helo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxiisa Wasiiradda oo isugu duuban sida UL iyo DIIRKEED markaas waxaa meesha ka bixi kara fashilka iyo jillaafada ay la doonayaan Ethiopia iyo Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa lagu garanayaa inuu yahay nin aan soo dhoweysan dowladaha deriska ah, sidaas darteed dad badan waxay aaminsan yihiin in uusan Farmaajo ku dhici doonin SIRIQ kasta oo ay u dhigaan Ethiopia iyo Kenya… Tusaale wanaagsan waxaa loo soo qaadan karaa lixdii bilood ee uu dalka ka ahaa Madaxa Wasiiradda.

IN MAAMUL GOBOLEEDYADA LA FAHAMSIIYO MIDNIMADA IYO KU SHAQEYNTEEDA

Haatan waxaa la joogaa xilligii ugu dhowaa midnimada Soomaaliya, sababtoo ah maamulka Somaliland waxay diyaar u yihiin inay wadahadal la furaan taliska Farmaajo. Sidoo kale Puntland aragti ahaan sidaas oo kale ayaa laga filayaa, Madaxweynuhu intii lagu jiray ololihiisa wuxuu tilmaamay inuu noqon doono Nabad-Doon oo uu isku keeni doono Soomaali oo dhan.

Maadaama lagu shaqeynaayo nidaamka federaalka, waxaa daruuri ah inuu maamulka Farmaajo nidaamkaan raaco, balse waa in meesha laga saaraa xiriirka xun ee u dhexeeya maamul goboleedyada dalka. Hargeysa waa inay shacabkeeda dareensiiso dareenka Soomaalinimada, sidoo kale Kismaayo waa in laga muujiyaa inay mataano la tahay Mogadishu.

Si kooban haddii loo dhaho, maamul goboleed kasta waa inuu Calankiisa ka sarre mariyo Calanka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajana waa inuu si dhow ula shaqeeyaa maamul goboleed kasta.

SHACABKA IYO SIDA UU FARMAAJO UGU SHAQEYN KARO ULANA SHAQEYN KARO

8dii bishaan February 2017ka, waxaa dad badan ay aaminsan yihiin inay tahay maalin isbedel weyn uu ku dhacay taariikhda Soomaalida. Sidoo kale waxaa la aamisan yahay inuu Farmaajo yahay madaxweynihii dalka ka bixin lahaa colaadaha daashaday.

Dareenkaas shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayuu ka guuxayaa, waddooyinka caasimadda Mogadishu ayaana waxaa xiray shacab muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu sheegay midkii ugu saxnaa ee ay abid sameeyeen markii ay doorteen. Soomaaliya oo dhan ayaana doorashadiisii laga soo dhoweeyey.

Farmaajo isagoo ka faa’iideysanaya taageeradaas iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed wuxuu sameyn karaa tallaabooyin badan oo danta dalku ay ku jirto. Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan, haddii dadka la guubaabiyo waxaa laga dhaadhicin karaa inay dalkooda ku dhistaan gacantooda, micnaha ay iskooda wax u qabsadaan, taasi waa sida uu shacabka ugu shaqeyn karo.

Sidoo kale, shacabka ayuu ka dhaadhicin karaa inay dowladda la shaqeeyaan. Waxaa naga xusuusin ah in Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay aad u liiteen tan iyo burburkii. Farmaajo wuxuu sameyn karaa qorshe ay Shacabka Soomaaliyeed ku noqonayaan Sirdoonka Dowladda. Cid kasta oo amniga iyo jiritaanka Soomaaliya wax u geysaneysa ayaan waxaa FARMUQI doona shaqsi uusan iska jirin.

Farmaajo, waxaa sidoo kale looga baahan yahay inuu shacabka kula taliyo inay xooggooda maalaan in aysan sugin kaalmo shisheeye, Soomaaliya oo isku tashata, uma baahna caawinaad shisheeye sababtoo ah ‘Biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa’.

DANTA DALKIISA IYO DANTA DOWLADAHA SHISHEEYE

Marka laga tago Ethiopia iyo Kenya, dhammaanteen waxaan ognahay inay jiraan dowlado Carbeed oo aan dooneyn inay Soomaaliya cagaheeda isku taagto. Sidaas oo ay tahay waxay dowladahaasi mararka qaar iska dhigaan kuwo jeceyl dadkeena.

Waxaa jira cadaw badan oo dhoolla caddeyn been ah kusoo jiidanaya dadkeena, balse aan dooneyn inay dowlad jirta noqdaan. Dadkaasi waxay degeen maskaxda madaxdii hore, waxay fashiliyeen qorsheyaal badan oo ay Soomaaliya ku guuleysan laheyd… Tusaale wanaagsan waxaan usoo qaadan karnaa dowladaha ina caawiya xilliga aanan u baahneyn.

Waxay sameeyaan sahan xilliga ay dadku baahida u dhimanayaan ka dibna waxay ballan qaadaan inay si degdeg ah caawinaad ula kaalayi doonaan, si kastaba ha ahaatee, dowladahaasi waxay keenaan caawinaadooda marka uu roobku yimaado oo dadku barwaaqeystaan… Ogoow dowladahaasi ma ahan garabkaaga, ee dhabarka ayey kaa tooganayaan.

Aragtidada ay dowladaha shisheeye ka mideysan yihiin waxaa ka mid ah in aysan dooneyn inay Soomaaliya yeelato ciidan xoogan. 54 sanno jirkaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale lagu garanaayo inuu xiriir dhow la leeyahay Ciidanka ayaana waxaa looga fadhiyaa inuu dhiso Ciidankii ugu xooganaa tan iyo Dowladdii Kacaanka.

Ugu dambeyn, haddii Farmaajo uu ku guuleysto maareynta afartaan qodob ee aan kor uga soo hadalnay, waxaa u sahlanaan doonta inuu noqdo Madaxweyne uu taliskiisu guuleysto…. Haddii uu guuleysto waxaa la dhihi doonaa Farmaajo waa AAR, haddii la mariyo jidkii madaxdii ka horreysayna waxaan dhihi doonaa Farmaajo waa UGAAR.

FAALLADAAN WAXAA QORAY: Cabbaas Cali Xassan (Xaliye).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid