Xog-warran: Go’aankii golaha wasiirada iyo saameynta siyaasadeed ee mustaqbalka

Asbuuc ka hor ayey Golaha Wasiiradu go’aan kasoo saareen arinta Qalbi-ghagax kadib Asbuuc markii loo gacan-geliyey Itoobiya, laguna xusay in go’aanku ku saleysanyahay; Sharci, heshiisya hore iyo wada-tashi Golaha, lkn arintaas waxaa ka horyimid Golayaasha kale ee dawlada iyo Shacabka gudaha iyo dibada, kadib Xukuumadu waxey qaaday talaabooyin ay uga hortageyso diidmada Golayaasha dawlada iyo in uu kasoo baxo go’aan ka duwan midkooda.

Su’aashuse waxey tahay! Ma ku filantahay arinta Qalbi-dhagax;

Go’aanka Golaha, shirka Barlamaanka oo la baajiyo, Ajandihii Aqalka-sare oo la farsameeyo, Madaxweyne-yaasha gobalada oo taageera, Mooshinkii kalsoonida Xukuumada oo la Sanceeyo, Madaxda Qaranka oo ka aamusta, 4 Xildhibaan oo difaacda iyo 4 weerarta, warbaahinta oo la iska hor-keeno iwn. Mise arintu waa ka guda-weyntahay oo waxey leedahay dhinacyo; Siyaasadeed, Taariikheed, Qadiyadeed, Umadeed, Mas’uuliyadeed iwm, oo waxey u baahantahay Xal ka weyn hal go’aan iyo hal Gole?.

Waxaan rabaa in aan tilmaamo laba arin oo soo noq-noqotay saameyn danbe iyo taariikh xun-na ku leh hay’adaha dawlada iyo dawladnimada! Lkn laga yaabo in Xal dhiig joojis ah laga helo sida;.

A. Golaha Wasiirada oo qaata go’aano iyo talaabooyin dhaawici kara Haybada, Sharciyada iyo Sumcada Golaha sida;

1. Go’aano horey loo fuliyey oo gadaal laga qaatay sida; khilaafkii Khaliijka iyo Qalbi-dhagax.

2. Wasiiro xubna kah Barlamaanka oo hor-istaagay hawshii Barlamaankii ay xubnaha ka ahaayeen iyaga oo difaacaya xil Wasiirnimo lkn qiima tiraya kii loo soo doortay ee ay Shacabka iyo reerkooda ku matalayeen.

3. In Ajandihii iyo shirkii ay soo bandhigeen Aqalka sare la weeciyo kadib markii la shaaciyey taa oo loo fahmi karo in isna lagu bilaabay Sancadii iyo Farsamadii Golaha Shacabka.

4. In Barlamaanku horey u ho-istaagay go’aankii Maxkamada Sare! Isna hada hor-istaagaan xubnihiisa taa oo bixinaysa sawir ah wada shaqen la’aan hay’adaha dawlada iyo in Madaxweynuhu uusan kala dhex-galeen.

5. In Madaxtooyada iyo Golaha Wasiiradu isku hal-noqdaan ama isku dhacaan taa oo labaduba ah Negative, sababtuna waa; Madaxtooyada oo laga rabo in ay u dhaxeyso 4 ta hay’adood ee labada Aqal iyo labada Gole ee Wasiirada iyo Garsoorka, lkn hadii ay midna dhaweysato midna fogeyso, weliba ku faanto waa dhaawac dawladnimo!.

B. Golaha Wasiirada iyo Barlamaanka waxaa isaga qaldan Mawduuci-yada arinta ay ka sugayaan shacabka iyo difaaca danahooda gaarka ah sida;.

1. Go’aankii ka soo baxay 5 tii bishaan oo shacabku aysan ku qancin, lagana sugayey in ay dadka u sharxaan hadii ay ku qanacsan-yihiin, Barlamaankana u gudbiyaan si uu uga doodo sax ma yahay go’aanku? heshiiska lagu dhisay sharci ma yahay? umada ma u qalmaa? wadada loo maray sharci ma tahay? Hadii uu qanci-waayana baabi’iyo, sidii Go’aankii Badda ee 2010 kii, kadibna loo gudbo kalsoonida Xukuumada hadii lagu helo sharci daro ama danbe ku cadaado.

2. Wasiirada waxey u fahmeen in kursigooda loo socdo uuna kala wenyahay magaca iyo dawladnimada!.

3. Xildhibaanada laga sugaayey in ay arinta xal waara u raadiyaan ayna keenaan wax shacabku ku qanco! Waxey ka bilaabeen Mooshin ah kalsoonida Xukuumada, waxaana loo fahmi karaa in aysan qadiyad iyo xal waara rabin, balse ay rabaan ka kacsiga kuraasta Xukuumada!.

Hadaba hadii Madaxweynihii arinta ku wareejoyey Golaha Wasiirada, Aqalka sare-na ku wareejiyey Golaha Shacabka, Golaha Shacabka shirkoodina qabsoomi-waayey waxaan rajeynaynaa in arintaan murugsan Madaxweynuhu soo fara geliyo, xalka guudna laga abaaro, laguna mashquulin xal gaaban oo taak-tiik ah iyo kuraas kala kacsasho!!!.

Waxaa Qoray Maxamed Gacal. Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid