Xog-warran: Guusha Jawaari ma iskaashi ayey ku timid mise…?

Shalay waxaa ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waana u hambalyeynayaa, waa shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo isku darsaday kuna fiican hogaaminta baarlamaan wadan ka soo baxay dagaalo sokeeye.

Waxay dadka qaarkii saadaalinayaan in guusha uu gaaray Gudoomiye Jawaari ay horseed u tahay inuu ku guuleysan doono Xasan Sheekh tartanka madaxweynaha iyagoo aaminsan in intii xilka baarlamaankii hore uu hogaaminayey daacad u ahaa Madaxweynaha, hadana uu isaga u ololeeyey laakiin xaqiiqda intaasi waa ka fog tahay, guddoomiye Jawaari waa nin dowladnimada si fiican u yaqaan, dhowrana ku dhaqanka sharciga, kala dambeynta, ixtiraamana masuuliyiinta ay wada shaqeynta ka dhexeysa taasna macnaheedu ma ahan inuu taageersan yahay Xasan Sheekh, cid kasta oo musuuliyadaasi qabatana sidaas ayuu ula shaqeyn doonaa.

Guushani waxay ku timid kalsooni xildhibaanada qaarkood ku qabeen Guddoomiye Jawaari, taageero cod oo ka timid xildhibaano ka cabsi qabo in haddii Xildhibaan Xiddig soo baxo saami qeybsiga awoodda beeshooda ee xubnaha sare meel loogaga dhacayo iyo musharaxiin kale oo daneynayey.

Hadaba qiyaas, saami intee le’eg ayey taageerayaasha musharax Madaxweyne Xasan Sheekh ka noqon karaan inta u codeysay Gudoomiyaha, runtii ma badna mana la oran karo guushani waxay saadaal u noqon kartaa inuu guuleysto Madaxweyne Xasan oo culeys weyn ka heysto isbaheysiga musharaxiin madaxweynaha oo ay Ku jiraan rag miisaan culus Ku leh bulshada iyo baarlamaanka dhexdiisa oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, Sh. Shariif, Farmaajo, Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan iyo rag kale oo badan.

Laakiin waxaan marna la inkiri karin saameynta dhabta ay ku yeelan doonto Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada guddoomiye Ku xigeenka1-aad ee maantauu ka qeybgali doono jaalkiisa Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir waana u laba-geeriyood guul iyo guuldaraba.

W/Q: Maxamed Goodir

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com