Xog-warran: Mowjado siyaasadeed oo kusoo fool leh ra’iisul wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho iyo Nairobi ay ka bilowdeen olole ka dhan ah ra’iisul wasbare Xasan Cali Kheyre oo ay wadaan xildhibaano dhaliilsan hannaanka siyaasadeed ee RW Kheyre.

Xildhibaanadaan oo mucaaradsan xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa kusoo biiray xildhibaano kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo taabacsan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Olole ballaaran oo ay wadaan ayaa laga dareemayaa hoteelada Muqdisho iyo Nairobi, waxayna qorshahoodu yahay in marka uu furmo kalfadhiga baarlamaanka mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre horgeeyaan baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo qorshaha dhinac kaga jira ayaa suuragal ah inuu aqbalo mooshinka ay soo gudbiyaan xildhibaanadaan, aqbalana codsiga xildhibaanadaan u midoobay xukuumada ra’iisul wasaare Kheyre, taasoo halis gelin karta sii jiritaanka xukuumadda Kheyre.

Warar lagu kasloon yahay ayaa sheegaya in siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Hawiye, gaar ahaan Abgaal iyo Habar Gidir ay qorshahaan riixayaan, doonayana in meesha laga saaro xukuumadda Kheyre.

Midowga xildhibaanada xisbiga Daljir ee ka danbeeyay guusha madaxweyne Farmaajo ka gaaray doorashadii dhacday 8-da Febraayo ayaa sidii ay ka filayeen dowladda cusub noqon, waxayna isbaheysi la sameeyeen xisbiga Dam-Jadiid oo cod aqlabiyad leh ku dhex leh baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com