Xog-warran: Saameyn intee la eg ayaa ka dhallan doonto fashilkii wadahaladii Galmudug iyo Ahlu Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa guuldaro kusoo dhamaaday wada hadaladii Magaalada Muqdisho uga socday Ahlu Sunna Waljameeca iyo Maamulka Galmudug kaasoo ay waday dowladda Soomaaliya.

Waan waantaas ayaa waxay socotay muddo asbuuc ka badan, waxaana mar kasta kasoo baxayey warar is khilaafsan oo sheegayey inuu shirkaas fashilmay, balse waxay si rasmi ah u cadaatay markii dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha gudaha ay soo saartay war murtiyeed ku saabsan wada hadaladaas oo laga dheehan karay inuu burburay.

Haddaba dadka u dhuun duleelo arrimaha Gobolada dhexe ayaa tilmaamayo in fashilka ku yimid shirkaas u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug uu halis weyn ku noqon doono Madaxweynaha cusub ee dhawaan la filayo in la doorto.

Waxay tilmaameen dadka siyaasadda falanqeeyo in Ahlu Sunna ay tahay awood weyn oo ka dhex muuqato Gobolada dhexe, haddii la qancin waayey iyadoo aysan doorashada dhicin aysan macquul aheyn in la qanciyo marka doorashada dhacdo.

Waxaa laga yaabaa inay arrintaas sababato khilaaf hor leh oo ka dhex dhasho Ahlu Sunna iyo Galmudug, maadaama la ogaa inay dhawr jeer dagaalameen xilligii u Madaxweyne ka ahaa Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xilkaas iska casilay markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo halis ah.

Mustaqbalka Galmudug ayaa weli ku jiro Mugdi, rajadii la lahaana waxay ku dhacday ceel weyn, maadaama aan lagu guuleysan in Galmudug lagu soo daro Ahlu Sunna oo gacanta ku heysto qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa war murtiyeedkeeda ugu baaqday labada dhinac inay sii wadaan wada hadalada balse arrintaas waxay u muuqataa mid aan tabar fiican laheyn, waxayna muujineysaa inay Dowladda dhexe ka quusatay isu keenidda labada dhinac.

Waxaa jirto rajo yar oo la tilmaamay inuu keeni karo madaxweynaha cusub ee la filayo in dhawaan loo doorto Galmudug haddii uu noqdo shaqsi furufran oo Ahlu Sunna ku qancin karo inuu golaha wasiirada ka siiyo xubno muhiim ah, sidaas ay Ahlu Sunna uga mid noqoto Maamulka Galmudug, inkastoo aan la qiyaasi karin sida ay Ahlu Sunna arrintaas u aqbali karto, maadaama ay miiska soo saareen shuruudo adag oo aan laga bixi karin inta badan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET