Xog-warran: Sidee ayey ka timid magacaabista Fahad Yaasin, waase nin ceynkee ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya u magacaano Fahad Yaasiin, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Haddaba Caasimada Online ayaa soo ogaatay sida ay ku timid magacaabista Fahad, shaqsiyaddiisa qof ahaaneed iyo xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidee ayay ku timid magacaabista?

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ee hadda Abuukar Baale ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu doonayo inuu xilka ka tago, islamarkaana ku laabto dalka Mareykanka, oo uu ka yimid markii hore, sababo caafimaad dartood.

Madaxweynaha ayaa markaas ka codsaday Abuukar Baale, inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee xarunta QM, maadaama xarunta QM ay ku taallo magaalada New York ee dalka Mareykanka, arrimihiisa kalena ku gudan karo.

Abuukar ayaa aqbalay codsiga madaxweynaha, wuxuuna noqon doonaa safiirka Mareykanka ee QM, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa markaas kadib magaalada Nairobi ka wacay Fahad Yaasiin, inuu qabto xilka uu baneynayo Abuukar, maadaama uu yahay qof howlkar ah, aamin ah, madaxweynahana uu ku kalsoonaan karo.

Xiriirka madaxweynaha iyo Fahad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Fahad Yaasin, oo ahaan jiriy weriyihii Aljazeera ee Soomaaliya, waxaa ka dhaxeeya xiriir wada-shaqeyn iyo saaxiibnimo ku dhisan oo muddo soo jiray.

Fahad Yaasin oo gacan xooggan ku lahaa guushii doorasho ee Xasan Sheekh, waxa uu dadaal xooggan u galay sidii madaxweyne Farmaajo looga dhigi lahaa ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya, markii uu Xasan qabtay talada dalka, inkasta oo dadaalladaas aysan miro dhalin.

Muddo kadib ayaa waxa uu Fahad mar kale dadaal xooggan iyo olole ballaaran u galay sidii madaxweyne Farmaajo ugu guuleysan lahaa doorashada madaxweynaha ee 2016, taasi oo guul ku dhammaatay. Waxa uu Fahad arrintaas ku bixiyey maskax iyo waqti badan, nasiibkana waa saaciday.

Shaqsiyadda Fahad Yaasin

Dadka ku dhow Fahad Yaasiin waxay sheegaan inuu yahay nin aad u afgaaban oo edeb iyo iimaan leh, islamarkaana aan jecleyn xilka iyo mas’uuliyadda.

Markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka saaciday inuu guuleysto, waxa uu Fahad ka codsaday inuu noqdo wasiirka dekedaha Soomaaliya, taasi oo Fahad uu iska diiday, kadibna dib ugu laabtay magaalada Nairobi, oo saldhig u ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii dowladda ra’iisul wasaare Kheyre lasoo dhisayey Fahad Yaasiin ka codsaday inuu noqdo wasiiru dowle, taasi oo mar kale Fahad uu ku gacan seeray, kuna laabtay magaalada Nairobi, waxaana uu Farmaajo u sheegay in isaga oo wasiir ka diiday Xasan Sheekh uusan wasiiru dowle qaadaneyn, taasi oo Farmaajo uu aqbalay.

Markii ay soo baxday xil ka tagista agaasimaha madaxtooyada ee iminka, ayaa madaxweynaha waxa uu Fahad ka codsaday inuu markan ka aqbalo inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada, wuuna ka ogolaaday.

Ilo ku dhow madaxweynaha ayaa sheegay in Fahad Yaasin yahay, qof aad howlkar u ah, edeb iyo iimaan leh, oo xiriiro siyaasadeed badan leh, islamarkaana wax badan ka caawin kara dowladda.

“Magacaabistan waa tan ugu muhiimsan ee madaxweynaha uu sameynayo, waa yar yahay qof Fahad oo kale ah oo sidiisa u howlkarsan, haddana daacad u ah” waxaa sidaas yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Ayada oo dhammaan xilalkii uu horey u magacaabay madaxweynaha ay illaa iyo hadda u muuqdaan kuwa aad looga fiirsaday oo loo dhiibay dad karti leh, ayaa dad badan waxay filayaan in magacaabista Fahad ay sidoo kale noqoto mid guul u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com