Xog-warran: Sucuudigu maka dhabaa inuu Soomaaliya kaalmeeyo? (Xaqiiqda aadan ogeyn)

Madaxweyne Farmaajo Sucuudiga mala socdaa xaalkiisa?

MW Farmaajo muxuu ka yaqaan Sacuudiga? Yaasa soo diyaariyay in la geeyo Sacuudiga? laguna casuumo halkaa maalinti doortay saacadda keddib? kana gaday in Sacuudiga u fidin doonaan kaalma weyn oo sabab u noqon doonto guul ay xukuumadiisa ka soo hoyso maareynta dalka Soomaaliya arrimhiisa guud ahaan,  tan waqtiga ayaa kashifo doono?.Weydiimahan iyo kuwa kale Ayaan ku lafa gureynaa qoraalkeena aan ku bilaabo.

Soomaalidu mala socotaa Xaalka Sacuudiga ku sugan yahay?

Waxaa hubaal ah in dadka in badani aysan hoos u ogeyn xaalka hoose ee sucuudiga,  siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.Haddaba si aad wax uga ogaato si fiican uga bogo qoraalkan.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda: “Ninkaad kabo ka toloneyso kuwiisa la eegaa” MW Farmaajow inta aadan ummaddaada u sheegin waxay ku siinayaan ama kugu kaalmeynaya kaana kaabayaan dowladaada dhanka dhaqaalaha iyo siyaasada,  horta ma xuuraantey oo ma xog wareysatay xaalka maanta iyo sucuudi Carabiya?

Sacuudiga tan iyo inti uu geeriyooday Malik Cabdullahi Bin Cabdulcasis oo ku dhaw laba sano,  dhaqaalaha Sacuudiga iyo siyaasadooda maalin walba hoos ayey u dhaceysay,  maalin koru uma soo kicin,  umana muuqato mid soo haggaageyso,  hadalkan macnihiisa ma ahan in dhibkan dhaqaale iyo siyaasad xume ee ku dhacay dalkan in uu sabab u yahay Malik Salmaan Bin Cabdulcasis,  balsa dhibka horay ayuu u jiray,  haddasa Malika haddeer joogo iyo wiilkiisa oo ah dhaxal sugaha labaad waa uga sii dareen.

Sacuudiga waa dal siyaasad ahaan ku fashilmay arrimaha Bariga dhaxe,  Sacuudiga wuxuu gacan weyn ku leeyahay burburka ku yimid nidaamyada dalalka Ciraaq, Suuriya, Liibiya iyo yeman waxa ka socdo haddeer. Iyo weliba abuuritaanka kooxa diimaadka meel walba ka shiday dagaal lagu magac dilay oo sumcad tiray diinta Islaamka oo iyada Allah weyn balan qaaday in aynan jirin cid damin karto nuurkeeda.

Sacuudiga dhaqaale ahaan dagaalki uu yeman ku qaaday ka gadaal afka ayuu dhulka la galay,  Miisaaniyada 2017 ee dalka Sacuudiga waxaa haleelay hoos u dhac ama gaabis gaarsiisan 33%,  waxaa si xoog leh loo dhimay waxyaabihi lagu kaabi jiray mushaarka sacuudiyiinta oo dhan. dowladda waxay bilawday in ay ajaanibka ka shqeeyo dalkeeda ku soo rogta lacag tira badan oo sababtay in ay dalka dib uga baxaan dad badan oo shaqaale ka ah dalka Sacuudiga.

Sacuudiga dhaqaala ahaan shirkadihi waaweynaa badankooda albaabada ayaa la isugu dhuftay,  mashaariicda dalka intooda badan waa istaageen,  in kalana waxaa si musuqmaasuq ah gacanta ugu dhigay ninka labaad ee iska leh dhaxaltooyada dalka Sacuudiga ee uu dhalay Malik Salman,  lana yiraa Amiir Maxamed Bin Salman

Fashilka siyaasadeed ee sucuudiga

Siyaasad ahaan Sacuudiga goballada xigo dhanka Yeman ama si kale marka aan u dhahno jiyoqraafi ahaan ku dhaxyaal gudaha dalka Yeman sidi Najraan iyo Jeysaan kama socoto wax hawl ah,  waa joogsatay waxbarashadi,  shaqooyinki dowladda intooda badan albaabka ayaa loo xiray, dad badan waa laga soo daad gureeyay dhibka halkaa ka socdo guud ahaan dagaalki iyo weerarki yaman lagu qaaday ee loogu magac daray “Duufaanti soo afjaradi” oo fashilmay,  yeman gacan laguma haayo,  dhaqaaalihi dhulka ayuu galay,  sidoo kale Suuriya, lubnaan iyo Libya faragelinti lagu haayay waxay sacuudiga u soo jiiday fashil ballaaran.

Kacdoonka ka jira Sucuudiga

Arrimaha gudaha ee dalkan,  dad badan ayaa u xirxiran aragtidooda,  qaar ayaa u xiran in ay dagaal bareer ah ku qaadeen nidaamka,  dadka waa kacsan yihiin qalbi ahaan,  cabsi weyn ayaa heyso oo ku aadan ka baqida in burbur ku yimaado nidaamka guddaha ee Sacuudiga,  xitaa sacuudiyan badan ayaa bilaabeen in ay maalkooda dibada geystaan,  qaarka waxbarashada dibada u jirana aynan soo noqon.

Tan uga daran ee dadka dalkan u dhashay iyo adduunyada la yaaban tahay waa in Sacuudiga bilaabay inuu iibiyo Shirkada Aramka iyo xitaa Betroolka dhulka hoostiisa ku jiro,  waxaana dalkan haddeer ka socdo mucaarada weyn oo taa looga soo horjeedo,  walow haddeer shirkadi Bloomberg ee laga iibin rabay ay si yasma ah u tiri qiimaha betroolka ceegaago dhulka hoostiisa kama badna 400 oo Milyaar oo dollar.

Islaam ahaan siyaasada dalka Sacuudiga lagu maareeyo waa cadawga koowaad ee islaamka,  dad badan ayaa lagu hiyi kiciyaa waxaan u taaganahay Sunni,  uma taagno sunni,  diyaaraddaha Sacuudiga waxay qeyb ka yihiin weerarada lagu qaado Sunnada Ciraaq,  Suuriya iyo Yeman.

Waxaan isku dayay in aan soo koobo musiibada ka jirto Sacuudiga,  oo taa ay ula jirto in dhib weyn ku soo aadan yahay qaabka ay jiilalka cusub kala wareegayaan xukinka odayaashi duqoobay ee uu dhalay Malik Cabdulcasiiska xoogga ku qabsaday dhulalka Najdi, Axsaa, Xijaaz iyo qeyba ka mid ah dalka yeman.

Sirta Sucuudiga iyo Soomaaliya

Xaalka Sacuudiga waa kaa Dowladda Farmaajo waxa uu nidaamka sacuudiga ka taliya ka rabana waa laba waxyaabooda oo ay kow ka tahay in siyaasad ahaan la milki guuriya codka ay dowladda Soomaaliya ku leedahay majaaliska caalamka sida jaamacada carabta, UN-ka,  Islaamka iyo wixi la mid ah.

Tan labaada taa kore waa ka halis badan tahay waana laba farac,  mid waa in Sacuudiga ay soomaaliya ka rabaan dhul ay weerar kaga soo qaadaan dalka Yeman ama sida ay iyaga u tilmaamaan Xuutinyiinta iyo nidaamki hore ee Cali Cabdllah Saalax,  faraca labaad waa in dhallinyarada Soomaalida la dagaal geliyo,  loona diro dalka Yeman,  dhuxulna looga dhigo dagaalka halkaa ka socdo,  taana waxay abuureysaa cadawtooyo ay noo qaadaan dowladdaha ka soo horjeedo dhanka kale ee dagaalka uu sacuudiga ku haayo Yeman.

Waxaa jirto mid saddexaad oo halisteeda leh,  ahna istaratiijiyo lagu yaqaan dadlalka khaliijka inay kula dhaqmaan dalalka deriskooda ah ee lagu tuhmo in dhulkooda uu ceegaago Betrool si looga hor istaago inay betroolkaas soo saaraan, waana mida la rabo in MW Farmaajo looga mashquuliya arrima kale ama lagu maaweeliyo haddii ay dowladiisa isku daydo raadinta soo saarida betroolka la filaayo inuu ku jiro dalka Soomaaliya .

Ma suurta gelin doonto haddii uu MW Farmajo isku dayo fulinta rabitaanka Sacuudiga iyo siyaasaddaha uu ku hareereysan yahay mugdiga iyo beenta loo soo balan qaaday,  ileyn Sacuudi isaga ayaa haddeer dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan aad u liito,  mana jirto maalin ay dadka Soomaliyeed garab istaageen kolki ay Sacuudi ladnaayeen,  kana awood badnaayeen heerka ay haddeer ku sugan yihiin.

MW Farmaajo halka aad ka bilawdday siyaasadda dibadda iyo in aad xukuumadaada dhaqaalo u sameyso waa meel habbooneyn waana meel aan sahankeedu hubaneyn,  siyaasad ahaana dhulka kula galeyso,  Soomaalina aynan kaa aqbali doonin, in dalkooda la iibsado wiilashoodana la geliyo dagaal aynan jirin sabab kaliya ee nagu qasbeyso in aan qeyb ka noqono.

W/Q: Cabdullaahi Ibraahim Daamey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid