Xog Warran: Xildhibaanada Labada Gole oo laga baadi goobayo halkii laga soo doortay!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Soomaaliya ee Aqalka hoose iyo aqalka sare ayaa ku jiro waqtigooda fasaxa maadaama lasoo xiray kala fadhiyadii koowaad ee labada Gole.

Haddaba Xildhibaanada ayaa intooda badan ka dhoofay dalka Soomaaliya iyagoo ku maqan dibadda, waxayna intooda badan kala aadeen Kenya, Uganda, wadamo ka tirsan Yurub iyo America.

Haddaba waxaa inta badan Xildhibaanada labada gole laga baadi goobayaa halkii markii hore laga soo doortay ee Maamul Goboleedyada ka dhisay halka ay kasoo jeedaan deegaan ahaan.

Xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa markaan laga soo doortay deegaanadooda, inkastoo ay doorashada gacanta ugu jirtay 50 qof oo beelaha ka kala imaanayey, waxaana hadda lasoo sheegayaa in meelihii laga soo doortay laga baadi goobayo.

Xildhibaanada ayaa waxaa looga fadhiyey inay booqasho iyo kormeer ku tagaan meelihii laga soo doortay, isla markaasna ay uga war bixiyaan waxyaabaha u suurta galay intii uu furnaa kala fadhiga Baarlamaanka iyo waxa ay deegaanadooda u qabteen.

Balse midaas ma dhicin, waxayna bilaabeen inay intooda badan u baxaan safari dibadda, midaasna waxay keentay inay dadkii  iyo deegaanadii ay mataleen laga tabo isla markaasna la is waydiiyo halka ay qabteen maadaama laga filayey inay booqasho ku tagaan deegaanadooda.

Waxaa jira Xildhibaanno tagay Baydhabo, Garoowe, Boosaaso iyo Kismaayo laakin balse waxaa la xaqiijiyey in ay u tageen arrimo la xiriira qoys iyo qaraabo salaan.

Xildhibaannada ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle arragooda waa la la’yahay,  weriyeyaasha jooga halkaasi waxaa ay sheegayaan in dadka isweydiinayaan halka ay ka baxday ballantii aheyd in 15 maalmood ay Xildhibaannada la joogaan deegaannadii laga soo doortay.

Baarlamaanka 10-aad ayaa ku jira fasax labo bil ah, Xildhibaannada labada aqal ee golaha shacabka iyo aqalka sare waxaa laga sugayaa deegaannadii laga soo doortay in ay tagaan, isla markaana ay dhageystaan cabashada dadkii doortay, arrintaas oo aan weli dhicin.

Arrintaan ayaa ceeb weyn ku ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay kasoo bixi waayeen ballantii aheyd inay booqan doonaan deeganada ay kasoo jeedaan, waxaana is waydiin mudan sida ay u gudan karaan ballantii iyo dhaartii ay u dhaarteen inay u shaqeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo dalkooda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET