Xog: Xagee ku dambeeyeen baabuurtii Imaaraatka Carabta ay siiyeen Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) – Bishii lixaad ee sanadkii lasoo dhaafay dowladda Imaaraatka Carabta ayaa gaadiid kala duwan ugu deeqday maamulka Puntland, waxaana gaadiidkaasi laga dajiyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Warbaahinta ayaa loo diiday in gaadiidkaasi tiradiisa iyo waxyaabaha loo adeegsan doono xog dheeraad ah ay ka hesho.
Shaqaalaha dekada magaalada Boosaaso ayaa iminka bixiyay xog ku saabsan gaadiidkaasi dekada laga soo dajiyay iyo qorshe cusub oo laga damacsan yahay, waxaana warar soo baxay ay sheegayaan in loo waddo magaalada Muqdisho iyo dalka Jabuuti.

Xodo dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu iibsaday gaadiidkaasi dowladda Imaaraatka ay ugu deeqday, waana arin aad looga hadal hayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo arimahaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inay xog dheeraad ah ka bixiyaan, waxaana si toos ah arimahaan wax looga weydiiyay wasiirka dekedaha ee maamulka Puntland.

Saciid Maxamed Raage, wuxuu sheegay inuu ka gaabsanayo arimahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com