XOG: XASAN oo Addis u jooga heshiis qatar ku ah mustaqbalka dalka.

Addis Ababa – (Caasimada Online)-  Madaxweynaha Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Addis Aababa u jooga hirgalinta heshiis uu horey u sixiixay taliye xigeenka ciidamada xoogga dalka, kaasi oo ahaa in 2 kun oo askari oo Itoobiyaan ah la siiyo madaxtooyada oo ilaaliya xilliga doorashada iyo kala guurka.

Xasan ayaa laga wacay Addis iyada oo lagu qasbayo in uu heer madaxweyne heshiiska ku sixiixo si Itoobiya ay uga hortagto qatar kasta oo kaga imaanaysa ciidanka Uganda ee Amisom oo u Xasan aad uga welwel qabo.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaysan u muuqan dhibaatada ka imaan karta in madaxtooyada Soomaaliya la geeyo ciidan Itoobiyaan ah, taasi oo halis ku ah qaranka, waxaana sidoo kale Itoobiya uu u sheegay inuu R/wasaare siinayo Xuseen Cabdi Xalane oo horey usii joogay Addis, oo itoobiya ay rabto in laga dhigo R/wasaaraha cusub ee soo socda.

Xuseen Cabdi Xalane oo looga yaqaanaa madaxtooyada maquustaha maadaama 2 jeer oo hore looga baxay balan ahayd in laga dhigo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com