Xog: Xiisad weyn oo ka dhex jirta taliyaha booliiska iyo korneel bistoolad ula baxay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka jirto xiisad aad u weyn uu dhaxeyso Taliyaha sida kumeel gaarka ah u hayo Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Mukhtaar iyo Taliyaha ciidamada Booliska ee Qeybta Waliyow Cadde ee Magaalada Muqdisho Korneel Maxamed Daahir.

Xiisadda u dhaxeyo labadaan Taliye ayaa ka bilaabatay qabashada dadkii loo soo bandhigay inay ka dambeeyeen Qaraxii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska Qeybta Waliyow Cadde Korneel Maxamed Daahir ayaa la sheegay inuu isaga soo qabtay inta badan raggaas, waxaana la sheegay in loo qabsaday kiis kale oo ahaa inuu sii daayey kana soo tagay ragg kale oo ku lug lahaa qaraxaas una dhashay Beeshiisa.

Xiisadda ku saabsan kiiska soo qabashada dadkii ka dambeeyey qaraxii Soobe ayaa meel xun ka gaartay Korneel Maxamed Daahir iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Genera Mukhtaar, waxana la sheegay inuu Korneel Maxamed Daahir Boskoolad ula baxay Taliyaha Ciidamada Booliska.

Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Korneel Maxamed Daahir Dharbaaxo ku dhuftay Taliyaha Ciidamada Booliska inkastoo arrintaan aan si cad loo xaqiijin.

Murankaas kadib, Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa ku amray  Korneel Maxamed Daahir oo ah Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde oo ah Afar degmo ka tirsan Gobolka Banaadir inuu Xabsiga galo isla markaasna uu qaato amarka la siiyey.

Taliye Maxamed Daahir ayaa arrintaas ka dhaga adeegay, waxaana la sheegay inuu diiday amarka Taliyaha.

Taliyaha Ciidamada Booliska General Mukhtaar ayaa Xarunta CID u gudbiyey Waraaq lagu amrayo in si deg deg ah loo soo xiro Taliyahaan.

Wararka ay heleyso Caaismadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Taliyaha iyo laba gaari oo kuwa dagaalka ah ay gudaha u galeen Xarunta Shiirkoole oo ay ku badan yihiin Beesha Saleebaan oo uu Taliyaha kasoo jeedo, wuxuuna sheegay inuu is difaaci doono haddii lasoo weeraro.

Inta badan Taliyayaasha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay adagtahay in lasoo xiro Maxamed Daahir, maadaama uu heysto gawaari dagaal arrintaas ay ka dhallan karto dagaal dhaco, waxayna dalbadeen in arrintaan loo xil saaro Ciidamada AMISOM ee Muqdisho u joogo nabad ilaalinta iyo Nabad Dhallinta.

Saacdadihii ugu dambeeyey waxaa cirka isku sii shareertay Xiisadaan, waxayna gaartay dhammaan qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Booliska iyo Taliyayaasha Ciidamada, waxaana la ogeyn tallaabada xigta ee la qaadi doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allaah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com