Xog: Xil ka qaadistii Faarax oo qeyb ka ah heshiis qarsoodi ah oo ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub, oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xil ka qaadistii uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli ku sameeyey wasiirka dastuurka Faarax C/qaadir ay qeyb ka ahayd heshiis qarsoodi ah oo dhinac socday heshiiskii uu Garoowe kula galay maamulka Puntland.

Xubno arrintan xog ogaal u ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in laba Cabdi Weli ay isla meel dhigeen inaysan suurta gali doonin in inta Faarax xafiiska joogo la fuliyo qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska ay Puntland la gashay DF, kaasi oo ah dastuurka.

Sida heshiiska labada dhinac dhigayo waxaa ku jira in is-beddel lagu sameeyo dastuurka, ama sida ay Puntland u dhigtay in dib loogu soo celiyo qodobada ay ku dooday in laga saaray, oo aan caddeyn loo hayn.

Waxaa wararku sheegayaan in Cabdi Weli uu aqbaly inuu beddelo Faarax kuna beddelo Saalim Caliyow Ibrow, oo weligiis hoos joogi jiray C/llaahi Yusuf, si aad ahna ugu dhow Puntland, islamarkaana loo ballan qaado lacag badan, si uu u meel mariyo qodobada Puntland ay rabto in dastuurka lagu daro.

Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in dastuurka qabyo qoraalka lagu xuso in dalka Soomaaliya lee yahay dowlad goboleeydyo sida Jubbaland , Koonfur, Galbeed, Puntland iwm iyada oo aanan la horgeeyn golaha baarlamaanka.

Ujeedka kale ayaa ah in dastuurka lagu xuso qaabka loo qeeybsan karo qeeyraadka dalka iwm oo aanan hadda ku jirin qabyo qoraalka, ayada oo Puntland iyo Jubaland ay keligood doonayaan 50%.

Qorshaha waxaa sidoo kale ka mid ah in qoraalka si rasmi ah loogu sheego in maadaama Muqdisho ay tahay caasimada Somalia, aysan ka mid noqon karin federaalka, taasi oo lumineysa awoodda iyo codka beelaha Hawiye, maadaama caasimadda ay degan yihiin dad ka badan laba milyan oo beeshaas u badan.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh aan xitaa ra’iisul wasaaraha uusan ku war-gelin socdaalkiisa Garoowe, uuna aad uga carooday, balse heshiiska uu iska aqbalay, si aan loogu arag nin wax diidan mar walba, uuna rumeysan yahay inuu yahay heshiis aan fuli doonin, inta uu xafiiska joogo.

Si kastaba heshiiska laba Cabdi Weli, ayaa iminka u muuqda mid Cabdi Weli Sheekh Xasan uu xilkiisa ku lumin karo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com