Xog: Xildhibaanada Damu-Jadiid oo heshiis qarsoodi ah la galay Kheyre (Muxuu yahay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa laga soo xigtay in Heshiis qarsoodi ah uu Villa Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaare Kheyre iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Damul-Jadiid ee ka tirsan BFS.

Heshiiska dhexmaray Kheyre iyo Xildhibaanada ayaa salka ku haya meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada cusub, iyadoo aan dhag jalaq loo siin qeyla dhaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Damul-Jadiid ayaa Kheyre u ballanqaaday inay meelmarin doonaan Golaha Wasiirada haddii la horkeeno Baarlamaanka waxa ayna u cadeeyen inay yihiin Xildhibaano aad u farabadan oo hirgalinkara meelmarinta Wasiirada.

Xildhibaanada ayaa Sidoo kale Kheyre u sheegay in cadad ahaan ay iminka dhan yihiin 94 Xildhibaan, halka tirada harsan ay kasoo dhexsaari doonaan Mudanayaasha dhex dhexaadka ah.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ballanqaad dheeri ah u sameeyay Xildhibaanada haddii ay suuragaliyaan meelmarinta, waxaana xilalka loo ballanqaaday kamid ah in Kuraas dheeri ah laga siin doono Wasiiru Dowlayaasha harsan ee aan wali la magacaabin.

Heshiiskaani ayaa suuragalin kara in Ra’isul wasaare Kheyre uu ku dhiirado in Golaha Wasiirada uu horgeeyo baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com