Xog: 100 xildhibaan oo diiday wasiirada cusub iyo 3 koox oo isbaheystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay sii kordhayaan tirada xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee diidan golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay in ku dhowaad 100 xildhibaan ay saxiixeen liis lagu ururinayo xildhibaanada aan codkooda siin doonin golaha wasiirada oo ansixin ugu baahan baarlamanka.

Xildhibaanada diidan dowladda ayaa isugu jira saddex koox oo dano siyaasadeedyo kala duwan leh, balse isku biirsaday in dowladda aysan ka gudbin baarlamanka.

Koox ka mid ah xildhibaanada ayaa u mucaaradsan xukuumadda inaan wasiir laga dhigin, halka kooxda labaad ay dhaliilsan yihiin wasiirada la siiyey beeshooda ama aan beeshooda wasiirba la siin.

Waxaa sidoo kale ku jira koox xildhibaano ah ay gadaal ka riixayaan musharaxiinta isbeddel doonka oo dareemaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ballamo uga baxay, ayaga oo aan wax xilal ah laga siin dowladda.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa ku jira 42 xildhibaan oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal, kuwaasi oo la rumeysan yahay in dowladda loogu soo daray inay ka caawiyaan inay baralamanka ka gududbto.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in go’aankaas uu ahaa mid aan la mahdin una abuuray dowladda mucaaraddada xildhibaano ka badan kuwa la qanciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com