Xog: Xildhibaanada Hawiye iyo Daarood oo si mideysan u wajahaya Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa kusoo baraarugay qorshaha Shariif Xasan Sheekh Aadan uu doonaya inuu madaxweynaha Soomaliya ku noqdo ee Caasimada Online ay shaaca ka qaaday 31-kii December.

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka socda kulamo dhex maraya xildhibaanada labadan beel, ayaga oo uga wada hadlaya sidii ay uga hor-tagi lahaayeen qorshahan, islamarkaana ay u xaqiijin lahaayeen inaysan isu qoonsan labada xil ee ugu sarreeya dowladda Soomaaliya.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa ka kooban laba weji, oo kala ah, in marka koowaad uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ka dhigo Cabdirashiid Xidig oo ah sarkaal darajo sare ka hayo sirdoonka Ethiopia una dhashay beesha Ogaadeen/Daarood, iyo in kadib uu madaxa isku geliyo beelaha Hawiye iyo Daarood. Xiddig oo horey u ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ayaa ahaa ninkii keenay qorshihii ahaain Itoobiyaanka Soomaaliya jooga wax ka badan afar sano ay noqon karaan muwaadiniin.

Shariif Xasan ayaa doonaya in xildhibaano badan oo Hawiye ah uu ka gado inay Xiddig codkooda siiyaan, isaga oo ka faa’iideysanaya xiisadda aan dhammaan ee ka dhex oogan Hawiye iyo Daarood, islamarkaana Hawiyaha ay ku raaci doonaan in Xiddig laga dhigo guddoomiye baarlaman, si Daarood loo gefiyo jagada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Haddii arrintan ay dhacdo ayaa Shariifka wuxuu rumeysan yahay in xildhibaanada Daarood ay carada ay ka qaadaan ku xumeynta Hawiye ay ku aargudan doonaan inaysan musharax Hawiye ugu codeyn madaxweyne, taa beddelkeedna codkooda ay siiyaan Shariif Xasan, sidaasna madaxweyne uu ku noqdo, maadaama codadka beeshiisa ay huban yihiin.

“Xildhibaanada Hawiye, waan u sheegnay in haddii ay Daarood u qoonsadaan madaxweyne in ayaguna aysan arki doonin, wayna garowsan yihiin, oo ayagaaba arrintan sidoo kale ka walaacsan” Waxaa sidaas yiri xildhibaan ka mid ah kuwa beelaha Daarood oo Caasimada Online la hadlay.

“Waxba uma arko in qof kaso jeeda beelaha Digil iyo Mirifle uu madaxweyne noqdo, oo waxay dalka xaq ugu leeyihiin si la mid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed, balse haddii Shariif Xasan uu arrintan u sameynayo inuu madaxweynaha u qoonsado Hawiye, waa inaan qorshihiisa ka hortagnaa” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Hawiye oo codsaday inaan la magacaabin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xildhibaanada Hawiye iyo Daarood ay hadda billaabeen qorshe ah in la taageero musharax kasta oo kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo u tartamaya xilka afhayeenka baarlamanka, si looga taqaluso qorshaha Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com