Xog: Xildhibaano wada Mooshin xilka looga qaadayo guddoomiye Jawaari.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay is qabqabsi udhaxeeyay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo qaar ka tirsan xilibaanada.

Khilaafkan ayaa salka ku hayay ansixinta xukuumada uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Saacid, oo xildhibaanada qaar ay sheegeen in qaabkii loo maray ay sharci darro ahayd.

Kahor intaan la anisixin wasiirada cusub, waxaa jiray xilibaano gaaraya ilaa 30-mudane oo warqad qoraal ah u qoray gudoomiyaha.

Xilibaanadan ayaa waxay dalbanayeen in marka hore lasoo dhamaystiro wasiirada, islamarkaasna hadii la ansixiyo xukuumad aan lasoo dhamaystirin lajabiyay qodobo kamid ah dastuurka.

Xilibaanadan ayaa waxaa hor boodayay wasiirkii hore ee dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Hadaba markii maalmo kahor ay baarlamaanka codka kalsoonida siiyeen xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid waliba si aqlabiyad leh, ayaa waxaa soo ifbaxayay guux hoose oo ka dhex jiray baarlamaanka.

Xilibaano gaaraya ilaa 30 madaxna uu u yahay xilibaan Xoosh Jibriil, ayaa dhowr mar waxay ku cel celiyeen in baarlamaanka uu u afduubanyahay gudoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in 30-kan xilibaan ay hada wadaan qorshe ay maalmaha soo aadan mooshin kaga keenayaan gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, waxayna ku doodayaan inuu hareer maray sharciga islamarkaana uu xilibaanada afka qabtay.

Qaar kamid ah wariyayaashii shalay ka qayb galay kulanka baarlamaanka ee kalfadhiga Koowaad ku yeesheen Muqdisho, ayaa waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in xilibaanada qaar kamid ah marka ay is diiwaan galiyeen aysan fariisan oo ay goobta isaga tagaan, taasoo daliil u ah heerka uu gaaray khilaafka.

Xilibaan Kula-Lihi oo si toos ah u weeraray Guddoonka Baarlamanka:

Xilibaan Kula-Lihi oo mar ka hadlayay xaruunta golaha shacabka ayaa si toos ah u weeraray gudoonka baarlamanka waxa uuna ku eedeeyay inay afduubeen mudanayaasha, taasoo keentay in Makaroofanka laga damiyo.

Qilaafka udhaxeeya Gudoomiye Jawaari iyo Xoosh Jibriil goormuu soo bilaawday?

Sidaan lawada socono maalinkii doorashada madaxweynaha, ayaa waxaa jirtay in Xilibaan Xoosh Jibriil iyo tiro xilibaano ah ka hor imaadaan go’aan kasoo baxay maxkamada Sare oo xilibaano ubadnaa hogaamiye kooxeedyo loo ogolaaday ineey ka mid noqdaan baarlamaanka.

Xoosh Jibriil ayaa maalinkaas waxa uu ka istaagay hoolka ay kasocotay doorashada waxaana la arkayay isagoo gudoomiyaha baarlamanka kuleh “Ilaah kacabso hogaamiye kooxeed dooni meeyno” iyo ereyo kale, wixii intaas ka danbeeyayna waxaa jirtay in dhowr mar uu xilibaanka iyo Grouop kaloo xulufo la ah ay toosh kadaba qaateen gudoonka Baarlamanka.

Si kastaba, dhibka heysta Xoosh yo Kooxdiisa ayaa ah in qofka ay u gudbinayaan mooshinka uu yahay isla guddoomiyaha, haddii uu doonana meel ayuu isaga tuurayaa.