Xog: Yaa ka danbeeya dagaalada soo laalaabtay ee gobolka Hiiraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan ka socda dagaalo u dhexeeya laba beel oo wada dega Gobolka Hiiraan kaa oo salka ku haya aanooyin khabiil.

Dagaalada ugu badan ayaa ka dhaca deegaan lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn.

Nabadoon Maxamed Cali oo kamid ah Nabadoonada ku dhaqan Gobolka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid uu waxbadan ka ogyahay maamulka.

Nabadoonka waxa uu tilmaamay inay jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo ka garab dagaalama mid kamid ah beelaha ay dirirtu u dhexeyso, waxa uuna cadeeyay in maamulka uu si cad uga gaabiyay hakinta dagaalada socda.

”Dagaalku maaha wax qarsoon waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo la kala safta labada beel ee dirirtu u dhexeyso”

”Waxaan xaqiijinayaa in dagaalka ay ku jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo dhar bedesha, waxaan dowlada ugu baaqayaa in xalinta dagaalka aysan ku haleyn maamulka Hiiraan”

Waxa uu intaa raaciyay in dhowr jeer ay maamulka kala hadleen dagaalka xalka loo waayay ee ka socda deegaanka lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn, balse ay ku gacanseeren.

DFS ayuu Nabadoonka ugu baaqay in xalinta dagaalka ay usoo xil saarto xubno ka madaxbanaan maamulka Hiiraan waxa uuna cadeeyay inay jiraan halisyo badan oo u baahan in laga hortago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com