Xog yaab leh: Dowladda oo shaqaaleysiineysa 2,000 qof oo hal beel kasoo jeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheysay in 2,000 (Laba kun) qofood oo u dhashay beelo cayiman lagu kordhiyo shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Qorshahaan shaqaalo qaadashada habka beeleedka ku qotonta ayaa ah mid Madaxda Dowladda Federaalka ku dooneyso kordhinta shaqaalaha Dowladda iyo kan maamulka Gobolka Banaadir ee beel ahaan ka soo jeeda Puntland iyo Jubbland ka dib markii Madaxda Puntland iyo Jubbland ay soo gudbiyeen cabashooyin ah in mudanaan aanan laga siin dadka beel ahaan ka soo jeeda Puntland iyo Jubbland shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo markii hore diidana qorshahaan lagu shaqaaleynayo labada kun ee qof oo ka soo jeeda beesha Daarood ayaa markii dambe lagu qanciyey ka dib markii laga aqbalay sharuud uu ku xiray oo ah in loogu kordhiyo 500 shaqaale (Shan boqol) oo iyana ka soo jeeda beesha uu R’iisul Wsaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Waaaraha oo hatan ku qanacsan qorshaas ayaa Warqad ku diray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo amar ku siiyey in uu gobolka ka shaqaaleeysiiyo 1,000 qofood ( hal Kun ) oo shaqan Boqol noqon doonaan Beesha Ra’iisul Waaaraha iyo Shan Boqol oo iayana ah beesha Daarood, waxaana hadda socda Wajiga hore qoshahaan lagu shaqaaleysiinayo dadka ka soo jeeda Puntland iyo Jubbland.

Wajiga labaad ee qorshaan oo ah kun iyo shan boqol ayaa iyana lagu kordhin doonaa shaqalaaha Dowladda Federaalka.

Qorshahaan ayaa la aaminsan yahay inuu yahay mid ay adag tahay inuu fulo maadaama uu ku kooban yahay mid ka mid ah Afarta belood iyo Bar ka ee ay Qabaa’ilada Soomaaliyeed wax ku qeybsadaan, waxaa iyana la ogeyn sida laga yeelayo dadka ka soo jeeda beelaha, Dirta, Hawiye, Raxaweyne iyo beesha Shanaad.

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in durba siyaasiyiin ka ka soo jeeda ay ka biyo diidsan yihiin in Gobolka Banaandir laga shaqaaleysiiyo kunka qof ka soo jeeda beesha Darood iyo iyo beesha Murusade maadaama Dowladda Federaalka ay hortaagan tahay in la sameeyo maqaamka caasimada si dadka ku nool ay mataalaad u helaan.

Si kastaba ha ahatee dhowaan ayey ahayd markii Waaarada Haweenka Dowladda Federaalka ku soo darto foomka fursado shaqo ay soo bandhigtay in lagu soo qoro qabiilka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee shaqooyinkaasi daneeynaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com