Yuusuf Jaalle oo xil kale loo magacaabay kadib murankii maareeyaha Garoonka

Muqdisho (Caasimadda Online) – wararka hoose oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Magacaabay Maareeyaha guyd ee Hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya.

Xogtaan oo aan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegeyso in xilkaas loo magacaabay Mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaale).

Jaale ayaa horey waxaa jiray waxaa soo baxay oo sheegayey in loo magacaabay maareeyaha garoonka Adan Adde, balse arrintaas waxaa ka dhashay muran badan, wuxuu maareeyaha garoonka ka dhawaajiyey inaan wax xil ka qaadis ah lagu sameyn, waxaana hadda xilkaan u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Yuusuf Jaale ayaa wuxuu kamid yahay dadka aad ugu dhaw dhaw madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, markii horena wuxuu u ololeenayey in loo magacaabo Maareeyaha garoonka balse hadda waxaa loo dhibay hey’adda Saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya.

Yuusuf Jaalle ayaa horay u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ka soo jeedaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaas.

Mr Yuusuf Jaalle ayaa horay madax uga ahaa  Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin shaqo badan oo af gaaban, horayna uga soo baxay shaqooyinka loo dhiibay.

Dhawaan waxaan idinla wadaagi doonaa waraaqda rasmiga ah ee kasoo baxday Madaxweyne Farmaajo haddii uu Alle idmo.

Halkaan hoose ayaadna ka aqrisan kartaa murankii ka dhashay magacaabista maareeyaha Garoonka:

Xog cusub: Muranka ka taagan xil wareejinta maareyaha garoonka Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com