XOG:Guusha Xildhibaan Cosoble iyo Beel wacad ku martay dhabar jabinta Xasan

Jowhar; (Caasimada Online): Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle oo wali ay ka socoto doorashada aqalka hoose ee barlamaanka ayaa maanta waxaa guul la yaab leh ka gaaray xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, taasi oo dhabar jab ku ahayd madaxtooyada soomaaliya oo lacag kasta ku bixisay sidii looga adkaan lahaa xildhibaanka.

Madaxweyne Xasan iyo Saaxiibadiisa Damjadiid ayaa lacag waalan ku bixiyay sidii uu usoo bixi lahaa Muxudiin Xasan Jurus oo hore u ahaa guddoomiyihii degmada Yaaqshiid, taasi oo ay ku guuleysteen inay iibiyaan 17 cod oo kaliya, halka xildhibaan Cosoble uu heley 34 cod oo kaga dhigan in markii 3aad uu soo galo barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kalana ergada beesha Harti abgaal ee ka qayb galaysa soo doorashada xubnahooda u matalaya labada aqal ayaa wacad ku maray inay dhulka la jari doonaan cid kasta oo ay arkaan inay taageersan tahay Damjadiid dhaqaalana ay ku bixinayaan inay soo galaan barlamaanka, waxaana ergada maanta dooratay Xildhibaan Cosoble ay ku kaftameen madaxtooyadu ha ogaato xoog iyo dhaqaalaba inay kaga awood badan yihiin oo ay ka adkaanayaan.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in 17 cod oo ee uu heley Muxudiin Saabeey ergada u codeeysey waji gabax ay ku joogaan magaalada Jowhar, iyaga oo loogu yeerayo cumaashii madaxtooyada laga adkaaday, waxaana sidoo kale la filayaa maalmahan soo socda in la soo gaba gabeeyey doorashada hartay, iyada oo beesha Harti abgaal ergadooda ay sheegeen in Xildhibaanada kala ah Bashiir Caddoow iyo Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo madaxtooyadu ay kasoo horjeedo ay fursad weyn u heystaan inay markale soo baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com